26DA JANAAYO WAA MAALIN XUSUUS MUDAN
26/1/1991 WAA MAALIN XUSUUS MUDAN Waxaa nasiib daro ah in 26da Janaayo oo ah
waqtigii shcabka Soomaliyeed ka guuleystay rajiimkii faasidka oo shacabka
Soomaliyeed mudo badan dhibaato aan qoraal iyo sheeko lagu soo koobi karin sabatoo
ah cidna maqarin karto dulmigii shacabka uu u gestay intii uu dalka ka talinaayay
waxaa marag madoonta ah dhibaatada maantay umadda Soomaliyeed ku habsatay in laga
dhaxlay rajiimkii 26da Janaayo
kacdoon kaga yimid shacabka Soomaliyeed
Malintaas qaayaha iyo xusuusta mudan Waxaa murugo ah in 26da Janaayo oo la mida
waqtigii calan saarka ama ka qiimo badan wayoo waxaan ka dhaxalnay rajiimkaas
dhaqan aad iyo aad u qalafsan oo shacabka intiisa badan ku dhaqmaan waxaa wax lugu
faano noqday wixii Soomali ka xishoo jirtay hadaan wax yer idika xasusiyo waxaa ruux
wanaagsan loo yaqiin midka lunsado xoolah shacabka oo daaro waa weyn dhisto midkii
ka dhoorsada oo yiraahdo waa xoolo qaran waxaa la dhihi jiray waa doqon, taa waxaa
kasii daran xafiisyadii dowladda oo loo qeybsaday qabiil wasaarad heblaayo waxaa
leh reer hebel waxaan filayaa aqristow markaad dib u milicsato qaraalkan inaad
durbadiiba xusuustada ku soo dhaceyso sida wasaarad walba loo kala lahaay
waxaa marag madoonta ah in Soomali wax ku qeybsatay 4.5 walina ku heshin la.dahay
qaabkii qabiil ee wax ku qeybsatay taana waa cudur laga dhaxlay rajiimkii lariday
26da janaayo ka dib markii shacabkii ka dhiidhiyay waxaa nasiib daro ah markii
Caasimadii laga eryay taliskii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad in qaar uu macalin u
ahaay ama dugsigisii wax ku soo bartay ruux walaba qabiil ahaan reerkii uu ka
dhashay gabaad siiyay taana waxaa laga
dhaxlay dagaalkii ahliga ama qabiilka waxana sabab u ah
(1) Goortii Maxamed Siyaad Caasimadii xoog loog saaray goor habeen Sabdi ah
taariikhduna tahay 26da janaayo 1991 ayaa dhacday in qeeb ka mida wasiradii iyo
sarakishii uu macalinka u ahaay ama asaga dhaqanka xun baray oo Xamar ku haray
mid walba reerkuu ka dhashay gadaasha marsado ama difaaco, kadib waxaa dhacay in
Maxamed Siyaad iyo wasiiradii saraakishii isga lacararay iyagana gabaad ka helaan
qabaa.ilkooda taas oo ku dhawaad sanad iyo bar dalka qeeb ka joogo fursadna u
helay Maxamed Siyaad in uu dagaal rogaal celis ah soo qaado Caasimada Muqdisho
dagaladasna waxaa ku dhitay dad aad iyo aad u badan waxaa kaloo sababeen barakac ku
yimid inta badan dagaanada koofurta wayoo waxaa isku birsaday colaad iyo abaar oo
ah labo masiibo oo u sii dheer tahay burbur hantiyeed iyo mid dagaan taana waa
dhabar jabkii kowaad ku yimaado halgankii kacdoonka shacabka ee 26da Janaayo
(2) Markii magaalada Muqdisho soo galayeen ururka USC wuxuu u qeebsanaay sadax qeeb
USC kacdoonka Xamar uu hogaan u ahaay Xussen Xaaji Bood USC Rooma uu gudomiye Shido
ah iyo USC mustaxiil Caaydiid hogaminayay waxaana dhacday mid walba uu isaga
sheegto hogaanka sare ee uruka USC taana waxey keentay in halgankii uu hakad ku
yimaado iyo fursad labaad halkaa ka helo Maxamed Siyaad iyo tagerayashiisa waxaana u
suurto gashay in ciidan uu horkacaayo Moorgan abaabul dagaal ka soo bilaabo
magaalada Kismaayo isagoo doonaya mar labaad magaalada Xamar oo xoog looga saaray
habeen Sabdi 26da Janaayo 1991 in uu dib ugu soo laabto kadib waxaa dhacday in mido
bil ku dhaw dib loo mideeyo sadaxdiii garab ee USC taana tanasul kuma imaan ee waxey
ku timid cabsi kadib rajiimkii Maxamed siyaaad oo Moorgan hor kacaya ciidan aad
iyo aad badan la yimid meel dhan koofurta magaalada Muqdisho ugu beegan 30 km ka
yar Ururka USC dagaal adag ka dib waxaa u suurto gashay in gacanta ku dhigaan
magaalada xeebta ah ee Kismaayo wixii markaa ka danbeyay waxaa bilawday isku dhacii
ururka USC inkastoo marar badan dagaalo goosgoos ka dhaceen magaalada Muqdisho oo
lagu xali jira hab qabiil hadana laguma guuleysan waxaana dhacay 17-11-1991
dagaalkii lamagac baxay afar biloodka kaas oo dad iyo dunyo ku dhinteen burburka
maantay Magaalada Muqdisho ka muuqdo inta badan waxaa keenay dagaalkaas oo liaa iyo
hadda aan les weydiin sababta uu ku yimid Midaasna waa dhabar jabkii labaad ee ku
yimaado kacdoonkii shacabka
26da Janaayo 1991 .
(3) Waxaa muhiim ah in shacabka Soomaliyeed loo ifiyo sababta keentay dagaaladas
ilaa hadda oo laga joogo 17 sano xalka loo helin Waxaa jiray koox uu magacaabay
Maxamed Siyaad uuna u bixiyay SULUX oo (100) boqol kar u dhaafaya una kala dab
qadayay hogaanka kacdoonka shacabka iyo rajiimka Maxamed SIyaad waxaana badi
ahaayeen wasiiro iyo saraakiil isaga ka amer qaata xiligaas USC magaalada Muqdisho
sooma galin laakin waxaa dagaal u dhaxeeyay shacabka Soomaaliyeed oo u kala harin
iyo rajiimkii Maxamed Siyaad xiligaasna waxaa dhaxdhaxadinaya kooxdii SULAX oo warka
u kala qadayay waanakooxda dhibatada shacabka ilaa iyo waqtigaan heysato inta badan
sabab u ah wayoo kooxdaan ayaa waxaa ku jiray damac siyaasadeed waxaana tusaale ah
waxaa jirtay waqti labada koox waa hogaanka kacdoon Xamar iyo taliskii Maxamed
Siyaad in ka badan usbuuc magaalada dagaal culus ku dhax maraya uu Maxamed siyaad
R/wasaare u magacaabo Cumar Carte oo waqtigaas ka mid ah gudigii SULAX laakin waxaa
diidmo kulul kala hor yimid hogaankii sare kacdoonka shacabka Xamar oo yiri xabada
iyo dagaalka joogsan maayo ilaa Maxamed Siyaad radiyaha ka yirahdo XUKUNKII WAA
ISAGA TAGAY jawaabtii Maxamed Siyaad waxey noqotay talada wadanka waxaan ku
qabsaday qoray ama xoog waxaana Alle qadaray in 26da Janaayo 1991 habeen Sabdi 8:15
sideedii iyo rubuc shacbi careeysan xaruntii madaxtooyada villa Somalia daaqadah ugu
dhacaan inkastoo maantay shacbigii ku dhintay iyo inta ka hartay wax qadarin ama
sumcad kama helin bulshada inteeda badan
Waa maxaay sababta ? way sahlan tahay jawaata waa kooxdii SULAX uu magacabay
Maxamed Siyaad oo markii uu Caasimada Muqdisho goor habeen ah ka cararay ayaa
waxaa qeeb samay kooxdii SULAX oo qaar raacay isaga qeebna Xamar ku haray kadid
waxaa dhacay labadii qeeb qolo waliba shaqo ka bilawday halkii qabiil keeda u
badnaay iyagoo mudo kadib ku guulestay in ay abuuraan dhib ka badan midkii xiligii
wadanka ay wax ka mamulayeen iyagoo ka baqaya hadii nidaam yimaado in la
xisaabiyo taana waa ku guulesteen waliba waxey ka helen 2 arimood oo iyaga
xisaabtan ugu jiri
(1) In la.hilmaamo dambiyadii dadka iyo dalka ka galeen taana xisaabta uguma jirin
(2) waxaa u suurto gashay in markale wadanka hogaan sare
ka hantaan sida C/qaasim Salaad oo wasiirada aan dhicin ka mid ahay ayaa dalka
jabuuti magaalada Carte Madaxweyne loo doortay waxaana ka dhaxalney maah maah
cusub oo xiligaas tageerayashiisa hal hees ka dhigteen oo ah XAQ MA. RABNEE XAL
BAAN RABNAA
Aqritoow is weydii hadii xaq ladiiday sidee xal ku imanayaa
Xasan Abshir isga ku caan noqday gudoomiye aan dhicin ayaa noqday R/wasaare hadana
ah xildhibaan Soomaliyeed waa cajiib iyo qaar kaloo badan .
Ugu danbestii waxaan ku soo koobayaa kacdoonkii shacabka maxaa laga fa,iiday yaase
helay inta badan qoraal laguma soo koobi karo wanagii laga dhaxlay laakin waxaa ku
soo gabinayaa inta badan waxaa nasiib u helay qorayaasha wargesyada Soomalida wayoo
wixii ka horeyay 26da Janaayo 1991 dalka wuxuu lahaa hal wargees
oo magaciisu ahaay XIDIGTA OKTOOBER
waxaa iga xusuus ah oo ku adkeynayaa dhamaan qorayasha Soomaliyeed in 26da laga
dhigo maalinta wargesyada Soomaliyeed
ABDIRAHMAN M NOR (COWSEY
Cabdi Casiis Golf
Xafiiska Wararka Mareeg ee Moqdisho
Somalia
Tel
0025215561017
Qaahira
Egypt Tell. 0020161734087
London UK Tell
00447737886245
|