|
Iska Key
Illow!.
(Sheeko
Jaceyl)
Qeybtii 6-aad
………Warqadii jawaabta ahayd,
ayaan qoray, waxaana u dhigay sidan:-
Dear Hani.
Marka hore, waxaan hawada kuu soo marinayaa salaan walaaltinimo iyo mid
asxaab tan ugu qiimaha badan, salaan kadib xaalkeyga waa dhag, kaagana
sidaa iyo si ka wanaagsan, ayaan filayaa inuu yahay.
Salaan kadib, waa ay isoo gaartay warqadaada, waana aqriyay, waad ku mahad
san tahay runtii xiriirka aad ila soo sameysay iyo sida aad ugu dhiiratay
inaad banaanka soo dhigto wixii qalbigaaga ku jiray, waan dareemi karaa in
qof jaceyl uu galay aysan arrimihiisu fududeyn, waana ogahay in waxa kaliya
ee qalbiga ceynkaasi ah kaafin kara inuu yahay in waxa uu ku haminayo uu
helo. Ani ahaan ma jeclaan lahayn in qalbi jaceyl la holcaya aan kusii
shubo shidaal, laakiin mararka qaar xaaladaha ayaa kugu qasbaya inaad
sameyso wax aadan jecleysan lahaa in adiga xitaa lagugu sameeyo.
Si kastaba waxaan aad uga xumahay in waqtigan la joogo aan rumeyn karin
riyooyinka qalbigaaga, igamana ahan xumaan iyo ku niyad dilo ee marxaladda
ayaa sidaa tiri, waxaan aad uga xumahay inaan aqbali karin codsigaaga,
islamarkaana aanan waxba ka qaban karin dhibka jaceyl ee ku haya, marka
wxaaan ku lee yahay dul qaado, maalmaha yar ee xusuusteeda ay qalbigaaga
gubeyso, kadibna adaaba iska key ilaawi doona. Hani waxaan si gaar ah kaaga
codsanayaa, oo aan jeclaan lahaa in waayitaankeyga aadan noloshaada u
ciqaabin, isku day inaad adkeysato, hadaad aniga i seegtay macnaheeda
maahan inaad nolosha ku guul darreysatay, marka noloshaada dhib ha u
horseedin hana kalifin, taas waa iga codsi, , waxaan kuu rajeynayaa nasiib
wacan iyo wiil aniga iga wanaagsan oo riyooyinkaaga kuu rumeeya, waana ku
kalsoo nahay inaad heli doonto. bye
From; walaakaa Xamza Xaaji
Markii aan warqadda qore ayaan habeenkaasi sidaa ku seexday, subaxii markii
aan shaqada tagay, ayaan is aragnay Hani, iyadaa igaga horeysay xarunta
shaqada'e, markii ay dhaayaha iga qaaday, ayay dhankeyga usoo socotay,
iyada oo i dhaheysa "subax wanaagsan Qaaligeygii Xamzow", "wanaagsan oo
wacan" inta hadal ugu gaabiyay, ayaan usii raaciyay "gees inoo bixi",
markaasay inta ay gacanta iga qabatay ii jiiday dhinaca xafiiskeeda, markii
aan xafiiska galnay, ayaan ku iri "Hani, hadal badan kama gaaro'e,
warqaddan hoo, waana kaa sii tagayaa, inta ay dhoola caddeysay, ayada oo
aad moodo inay farxad dheeri ah ka muuqato, ayay igu tiri "mahadsanid
qaaligeygiiyow".
Intaa kadib aniga xafiiska ayaan isaga baxay, wixii waqtigaasi ka
dambeeyayna, maalinkaasi oo dhan Hani shaqada kumaan arag, waxaan u qaatay
inaysan xafiiska kaba soo bixin, oo ay ciil iyo walaahow, halkaa isugu kali
yeeshay, anna waqti isagama aan lumin raadinteeda'e, markii aan shaqadeeda
dhameystay, ayaan iska soo baxay, waxaan aaday hoygeenii, Hooyo iyo Aabe
iyo xubnaha kale ee qoyska oo fadhiyay deerka, ayaan salaamay, kadibna
qolkeyga ayaan iska galay, qado cunid kadib waan iska seexday, galabkii
markii aan ka kacayna, waxaan iska aaday baashaal iyo inaan asxaabteeda u
sheeko tago, maalinkaas waqtiga saas baan ku lumiyay, waxaan oran karaa
maalinkaasi waxa ay ahayd maalinkii ugu dambeeyay ee kaftan iyo sheeko
ceynkaasi oo kale ah aan la wadaago saaxiibadey.
Habeenkii markii aan guriga kusoo laabtay, oo casho iyo qoys la sheekeysi
aan dhameystay kadib waxaa ii bilowmay xaalad nololeed oo cusub, waxaan
guda galay feker baas oo qalbigeyga ka dhigay mid aan fadhin, waxaa igu soo
laalaabanayay muuqaalka gabadha Istar ah, waxaan is tusinayay wanaageeda,
marnaba wax xumaan ah oo ay leedahay iima muuqan, manaba aysan lahayn'e,
waxaa aad qalbigeyga ugu sawirnaa meelo jirkeeda ka mid ah oo aan aad ula
dhacay, sida bushimaheeda, suniyaha iyo qaabka uu isugu jaan go'an yahay
jirkeeda, in badan ayaan isku dayay inaan is ilowsiiyo, balse noqon weyday,
waxaad moodaaba inay awood qalbigeyga ku qabsatay, oo aay u diiday ka
fekerka arrimo kale, waxaan is weydiiyay, waxa sidan ay nolosheyda ugu
milantay, marbaan is iri "tolow ma kii baas ee Jaceylka ahaa baa ku galay",
hadana isla aniga un baa isku jawaabay'e, waxaan is iri "maya Jaceyl maaha,
ee waxaa badan wanaaga aad u heyso", hadana waxaan is tusay in qof kasta oo
wanaag intaa la eg loo hayo, noloshana sidaa saameyn ugu yeesha uu
macnaheeda yahay in la jecel yahay. Waan ku guul darreystay runtii inaan
arrintaasi go'aan ka qaato, waxaana u daayay bal waayaha iyo waqtiga waxa
ay xukmiyaaan.
Maalmo ayaa nolosho ceynkaasi ah ku sugnaaa, waxaan xitaa iloobay dhibka
iyo nolosha xun oo aan rumysnaa inay wehel u noqon doonto Hanidii aan u
deyriyay, waxaana saameyntii ay nolosheyda ku yeelan lahayd Hani ka xoog
badiyay tan Istar. hadii aan sidaa ahaa ayaamo oo fekerkii iyo isla
hadalkii Istar igu sii batay, ayaa waxaa ugu dambeyntii igu dhashay, waxaan
marnaba fileyn inay dhacayaan ama ay qalbigeyga ku dhalan doonaan kuwaasi
oo ahaa........ la soco qeybta toddobaad berri insha allaah.
|