MAALINKA JACEYL
ADUUNKA MA LOO DABAAL DEGI KARAA, masa mudantahey?
kadib waxaa nagu soo aadan maalin lagu sheego in ay tahay
MAALINKA
JACEYLKA ADUUNKA! Waxaasa la yaab leh in ay soo dhaweeyntaas ka
qayb qaadan doonaan
dad muslimiin ah, soomaali ah, oo sheeganaa in ay jecelyihiin
horumarka adduunka iyo
janada akhiro isla markaasna aan laga karin joojiya xusitaanka
aad xuseeysaan dadka
dhintay, weliba maahan qof Illaah yaqaanee waa GAAL BAQTIYAY
DARTIIS WAXA
HADIYADAHA, SALAAMAHA, UBAXYADA DUKAAMADA LOOGA DHAMEYEN DOONO
MAALINKAAS! Bisha
Febraayo 14-keeda ayaa loo aqoon-saday inay tahay Maalintii
Jaceylka Aduunka
(Valentine's-Day), waxaana la isku diraa Salaamo, Ubaxyo
qurux-badan, iyo Hadiyado
qaali ah oo ay is-dhaafsadaan Lamaanayaasha is-jecel, iyo kuwa
isqaba. Hadaba maxeey
tahay ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa munaasabadan iyo
Xafladaha lagu maamuuso
Maalinta Caashaqa lamaanaha iyo Jaceylka dunida?Marka ay
dhagahaaga ku soo dhaco
ereygan Valentin'es waxaad markiiba dareemaysaa in magacaani
macno ahaan u
dhadhamayo inuu ka soo jeedo Diinta Krishtaanka ama caadooyinkii
hore ee Roomaanka.
Hadaba aan is-weydiino yuu ahaa Valentines? Maxaasa loo dilay,
hadane loo xusaa ilaa
maantay, oo looga dhex arkaa magaciisa mel walba oo jacel lagu
sheegaa, xafladana ay
ugu dhigaan bulsha kasta khaas ahaan dhalinyarta
isjecel?Qarnigii Sadex iyo
Tobanaad, dhalashadii Nabi-Ciise kadib (Caleyhi-Salaatu-Wasalaam)
ayaa waxaa jiray
Boqor la dhihi jiray Calodis oo ka talin jiray Dalka Talyaaniga,
boqorkaas wuxuu
amar ku siiyay Dhalinyarada in aysan guursan karin, kuwaas oo
ahaa Ciidan uu ku
ilaashado awoodiisa maamul iyo sharafta boqortooyadiisa. Balsa
nasiib darro waxaa
amarkii boqor Calodis ka hor yimid oo xaq darro u arkay Ninkaan
aan geeridiisii u
dabaaldegaan maantay lamaanaha isjecel iyo guud ahaan
dhalinyarta waa Valentine.
Wuxuuna bilaabay inuu si qarsoodi ah u guursado dumar fara badan,
hadaba markii ay
soo shaac-baxay guurkii qarsoodiga ahaa ee Valentine, waxuu
Boqorka amray in loo
geeyo xabsiga lana dal-dalo Valentine.Sida ay sheegaan dadka
taariiqda Valentine
yaqaana, waxaa ku dhacay xiligii uu xabsigi ku jiray Jaceyl
xaad-dhaaf ah oo uu
jeclaaday gabar dhalinyaro ah oo aad u qurux badneyd taasoo
aheyd gabar uu dhalay
Ninkii xabsiga ka talinaayay, gabadhaas oo soo booqatay waqtigii
uu ku jiray xabsiga
Valentine. Hadaba waraaq jaceyl xambaarsan oo uu ku saxiixnaa
Valintines kadib
markii la dal-dalay ayaa laga helay qolkii uu ku xirnaa,
warqadas oo ciwaan kaga
dhigay"Ka socoto Valentinkaagii" wixii maalintaas ka dambeysay
si loo xuso
sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la dal-dalay Valintines
oo ku beegan 14-ka
Bisha Febraayo 271-sano dhimashadii Nabi Ciise kadib ayaa la
go,aansaday in la xuso
maalintan oo kale, oo la is dhaafsado ubaxyo, salaamo iyo
hadiyadu qaali ah, ilaa
heer ay gaartay in ay noqoto maalin lagu cabiro lamaanaha is
jecel jaceylka ay isku
qabaan inta uu la egyahay. Oo hadii maalinkaas qof ayaga ka mid
ah hilmaamo loo
micneeynaa inuusan jaceyl heeynin oo sheeganaayay. Marka laga
hadlaayo arimaha
Jaceylka waxaa dhacda doodo aan xal loo helin, inta badan waa la
isku maan dhaafaa,
maadama aan la aqoonin sida loogu macneeyn lahaa loona fahansiin
lahaa dadka aan
weli jaceyl jaribin, oo jaahilka suuq jooga ah iska ah, dareenka
ay sheeganaayaan
lamaanayaasha isjecel, sida farxada, macaanka, murugada iyo
xanuunka ay isla
wadaagaan, hooygana u yihiin maalin iyo habeen hadii ay is
waayaan. Jaceyl inuu jiro
dadka intooda badan waa isku raacsanyihiin, loona dhinto,
inkastoo la isku
qilaafsanyahay inuu jaceyl weligiis jiri doono oo labada qof oo
jaceylka isku
guursaday ay waligood ahaan doonaan laba isjecel in geeri iyo
qaddar Rabi kala
geeyaan maahane. Taas oo jirta hadane Lamaanayaasha dunida isku
jecel ayaa aaminsan
in Jaceyl Biro fujin, Biyana kaa dhaqin! Sidoo kale in waqtiga
isbedelkiisa qofku
isla bedeli karo, oo dabeecad ahaan, feker ahaan iyo hormar
ahaanba, balsa QABLIGA
JACEYLKA OO MAR QAADO UUSAN BEDELI KARIN WAQTIGU WALIGIIS.
Hadaba aqiristow yaanan
waxba war ku mashquulinine waxa aan doodaan kuugu soo qoraa ama
mawduucaan kuula
qaybsanaa ma aheeyn in aan ka doodno inuu jaceyl yahay wax jira
ama aan jirin. Balsa
MAALINKA JACEYL ADUUNKA MA LOO DABAAL DEGI KARAA, OO MA TAHAY
MAALIN MUTEYSATAY IN
LOO DABAAL DEGO?? hadii aad aqligaaga si sax ah ugu laabatid waa
MAYA, dhowr
sababood daraadood: 1) Horta hadii aan nahay umad islaam ah waa
in aan ka soo
horjeesano tilaabo walba oo ay qaadaan dadka ah KARISTANKA IYO
YAHUUDA, oo waa in
aan qiimeeynin waxa ay qiimeeyaan iyo waxa ay buunbuunshaan,
maadaama aan kala nahay
dad aan diin ahaan iyo dhaqan ahaan waxba iskugu darsaneen
Adduunyo iyo Akhirane aan
isku wax ka sugeeynin. 2) Nin gaal ah maalinkii oo baqtiyay in
lago farxo, oo
hadiyado la is dhaafsado, jaceylna la isku muujiyo, oo lamaana
kasta ay si gooni ah
u qaddariyaan, taas oo micnaheedo yahay in ninkii (Valentinis)
baqtiyay la xusaayo,
oo laga xunyahay daldalkiisii. Taasna diinteena wanaagsan oo
islaamka ah ma ogola,
oo waa mamnuuc in aad gaal xustid u ooy ama u qosole. 3) Umadda
islaamka ah waxeey
leeyihiin maalmo ay si gooni ah u xusaan sida: Ciid ramadaan,
Ciid Adxaa, (xajka
kadib), iyo asbuuc kasta maalinka jimcaha, oo shaqada iyo
iskuulaadka nasiino laga
qaadanaayo. Intaas waxaa dheer in faamil/reer kasta iyo waddan
kasta ay leeyihiin
maalmo ay si gooni ah u qaddariyaan, hadiyado iyo xafladane u
wada dhigtaan. Hadii
xaflada famil u gooni noqon karta aan ttusaale ka soo qaato
waxeey noqon kartaa:
Malinkii ay lamaanaha is qaba isguursadeen/jaceylaadeen,
dhalashadii ilmahooda iwm.
Dal ahaan waxaa loo wada dabaal dagaa maalinka uu dalkeena
xoriyada qaatay oo kale.
Marka in aad adiga sameeysatid maalin kale oo aan soomaali hadii
aan nahay aan
dhaqan ahaan u aaminsaneen, xaqiiqa ahaane aan reer Galbeed ugu
nimid, kaaga daranta
aan sal iyo baar meel ay diinteen ugu taalo la arag, lana
aqoonin waa bidco, kaana
mamnuuc ah hadii aad tahay qof islaam ah. Rasuulkuna waxuu yiri
S.C.S.W. asigoo
waxyaabaha aan anago sameysanay nooga digaaya:" Bidca kasta waa
baadi, baadi kasta
Naarta ayaa la gelinaa." 4) Valentine waxaa loo dilay inuu ka
soo horjeestay
sharcigii waddankiisa. Waxa uu sharcigaas ku dunshayna waxaa la
sheegay inuu yahay
jaceyl oo u qaaday dumar fara badan oo guursaday. Dadka is jecel
waxeey ku doodaan
maantay in qof walba hal qalbi leeyahay, markii sidee ku
suurtagashay in Valentine
oo lagu tilmaamaa inuu ahaa aabahii jaceylka inuu jeclaado
waxaas oo dumar, weliba
wada guursaday? Soo lama dhihi karo Valentine naftiisa ayaaba
ahaa cadawgii jaceylka
waa hadii dhab loo aaminsanyahay in uusan jirin qof laba qalbi
leh? Soo lama dhihi
karo ninkii tumashada iyo baahida jinsiga in si qarsoodi ah lagu
kala dhameysto
sharciyeey waxuu ahaa ninka maantay looga mahadinaa in jaceyl
jiro (Valentine'a
day)? Suaalahaan waxeey quseeyaan, oo aan ku baraarujinaa dadka
ku guda jira, una
dooda in jaceyl yahay wax dhex mara laba qof oo kaliya, hadii
qof sadaxeysane,
tumasha/saaxiibtinimo amaba guur ha ku imaato qofka sadaxaade uu
jaceylkii loo yahay
qofkii hore meesha ka baxay, weliba qiyaano iyo daacad la'aan
tii ugu weeyneed isku
bedelay jaceylkaas. Hadaba walaalaha muslimeenta ahow is dhowra,
inta Illaah inku
waajibiyana ka soo baxa marka hore, intaas ayaaba howl iyo dhib
inkugu aadee, oo aan
hubaa in maantay inteena badan khaas ahaan dhalinyarada wiilasha
iyo gabdhaha iskugu
jiro weey ku adagtahay ineey ka soo baxaan waajibaadka Illaah
saaray. Mana ahan,
waana maan gaabnimo iyo axmaqnimo tii ugu danbeysay weliba ineey
ku gagabtaan wax
aan la idin dirsanin, ajar iyo xasanaad midna inkugu jirin ineey
danbi, carro Rabi
iyo cadaab aakhiro idin horseedo maahane. La jeclaaw nooolaha
iyo khaas ahaan
muslimiinta WANAAGA ADDUUN IYO JANADA AKHIRO OO AAD NAFTAADA LA
JECESHAHAY, KAGANA
DIG XUMAANTA IYO CADAABKA RABI WEEYNINKIISA, SOO XASUUSI
SIRAADKII AAKHIRO!DIGNEEN:
Shaqsi ahaan waxaan dhalinyarta kaga digaa xusitaanka maalinkaas,
weliba waxaan u
sheegi lahaa in jaceylkooda dartiis ay imaankooda ku weeyn
doonaan, qof aan imaan
laheeyn wa qof aan diin laheeyn. Maalinka Valentine aysan
jaceylkiina iyo guurkiina
waxba ku soo saaidin doonin in ay inka dhumiso ubax jaceyl oo
aad horay u wada
fiirsaneyseen maahane.Waa mahadsantahay Aqriste, fadlan ka
dhiibo ra'yigaaga,
yeeysan kula noqonin in aan diyaar loo aheeyn in laga jawaabo
sualaahaaga shaqsiga
ah. Igala soo xariir imailkaan:
samsam_1989@hotmail.comW/Q Ifraax Yusuf A. G. (Ifka
Cabdi Casiis Golf
Xafiiska Wararka Mareeg ee Moqdisho
Somalia
Tel
0025215561017
Qaahira
Egypt Tell. 0020161734087
London UK Tell
00447737886245