Somali links
 BBC Somali 11:00
 BBC Somali 14:00
BBC SOMALI 4:0
 BBC Somali 18:00
 Radio Banadir
 VOA Somali 17:00
music
Inta Doqon fariid yahay,
 

Dhibaatooyin  intee la’eg ayay la kulmaan ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata
Qurbaha?
        Dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata Qurbaha ayaa ah kuwa soo
wajahda dhibaatooyin inta ay ku guda jiraan daraasadooda amaba marka ay
dhameeyaan , inkastoo ay kala daranyihiin haddana dhibaatooyinkan waxey
noqdeen mid ay kawada siman yihiin ha noqoto dhanka jawiga waddamada ay wax
ka bartaan amaba maciishadda oo ah mid aad ugu duwan mida dalkeena hooyo
midaasoo sababta in uu ardayga dareemo culees badan oo soo wajaha
daraasadiisa, midaas ayaa waxaa usii dheer hadallo amaba su’aalo laweydiiya
ardayga Soomaaliga ee wax kabarta Qurbaha midaasoo ah  “Maxaa idinku wacan
dagaalka iyo amni darrida joogtada ah idinkoo misana ah dad isku afa isku
midaba isku dhaqana misana isku diin ah?  Su’aashan ayaa ah mid aad ugubta
dhegaha ardayga isagoo islamarkaasna  jawaab u waayo, waayo waa wax lala
yaabo islamarkaana uu qof waliba oo manta caalamka ku nool uu isweydiinaayo
waxa soomaalida ku kallifay dagaalka iyo amni darrida joogtada ah, waayo
caalamka  lagama helaayo
 waddan isku heysta sifooyinka aan soo sheegnay wax unbey ku kala duwanyihiin
hanoqoto dhanka Diinta,Dhanqanka,   amaba afka,  misana waxaad arkeysaa iyagoo ay
kawada  dhexeyso wada noolaansho  midow iyo waddan jaceyl dhab ah, haddii aan
tusaale usoo qaadano waddanka Suudaan ayaa ah waddan looga hadlo inkabadan 200 oo
lahjad islamarkaana kunool inkabadan 500 oo qabiil misana waxaad ku arkeysaa
midabyo aad u  kala duwan iyagoo haddana ah dad isugu jira Muslimiin iyo
masiixiyiin, iyadoo ay jirto kala fogaanshan aadka ah ayaa haddana waxaad arkeysaa
marka aad waddankooda wax ka sheegto in ay uwada damqanayaan si isku wada mid ah
iyagoo misana kuwada nool degenaansho iyo is dhowrid ay ku dheehantahay amni iyo
kala dambeyn, waxaa wax lala yaaba ah waddankan oo sida isugu duuban misana
Soomaaliya oo lamida hal qabiil oo suudaan ah  dhanka luuqadda iyo dhanqanka iyo
diinta oo misana midba kan kale  u hanqaltaagaya sidii uu udili lahaa amaba u dhici
lahaa, haddii aan usoo noqdo
 dhibaatooyinka ay lakulmaan ardayda  Soomaalieed ee wax kabarta Qurbaha ayaa  ah
kuwa ay murugo lasoo derista marka ay jaamacadda dhameeyaan meeshii  ay ka farxi
lahaayeen iyagoo kawada siman hadalka ah Maxaa sameynayaa haddii aan jaamacadda
dhameeyo qori miyaan qaadayaa anigoo misana jaamici ah? Iyo hadalo kale oo murugo
leh, taasoo la dhihi karo waxaa ugu wacan amni darrida iyo shaqo la;aanta kajirta
waddanka taasoo keentay in ay isku mid noqdaan kan wax bartay iyo kana an wax
baran, balse ardayda kale ee dhiggooda ayaa sidan kaduwan iyagoo laga dareemayo
farxad iyo reynreyn marka ay jaamacadda dhameeyaan  taasoo ugu wacan iyagoo loo soo
dhaweynaya  si aad u diirin islamarkaana laga shaqo galinaya Wasaaradaha Dowladda ,
balse dhammaan ardayda Soomaaliyeed  ha noqdaan kuwa qurbaha wax kabarta amaba kuwa
gudaha wax kabarta ayaa kawada siman dhibaatooyinka shaqo la’aanta ah iyadoo ay
keentay Wasaaradaha Dowladda oo aanan u shaqeyn sidii laga doonayay  iyadoo marka
hore isku
 dayeyso sidii  ay salka dhulka u dhigan laheyd si ay wax un ugu qabato
dhibaatooyinka aan soo sheegnay ee ay ugu horeeso shaqo la’aanta heysata ardayda
wax barata, balse ardayda Ree Suudaan ayaa intaasi usii dheer Soomaalida u
tahriibeysa Yurub ee kusii jeeda Waddanka Liibiya iyagoo sii maraya Waddanka
Suudaan kuwaasoo saameyn weyn kuyeesha habsami usocodka ardayga kuguda jira wax
barashada , iyadoo ay dhacda in arday ay latahriibaan kuwa tahriibka uuba
hadafkooda ahaa kadib marka ay ka dhaadhiciyaan in wax barasho aanay Soomaaliya wax
ka tareenin waqtigan ay u dhaanto in uu  yurub galo oo uu iska xaamasho  kuwa badan
ayaa ku kaca falkaan amaba raaca ra’yiga ay use jeediyaan dhalinyarada tahriibta ah
ee asxaabtiisa ahaa ee isaga kusoo degtay islamarkaana latahriiba isagoo katagaya
waxbarashadiisa iyo hadafkiisa halka qaar kalana ay iska dhegatiraan hadallada ay
usoo jeediyaan kuwa tahriibaya balse marka ay maqlaan Yurub ayay galeen ayay dib u
shalaayaan iyagoo islamarkaan
 safar isu diyaariya iyagoo waliba ku dhahaya ninkii shalay ila joogay ayaa maanta
Yurub jooga haddii aan jaamacadda dhameeyo yaa ii damaanad qaadaya in aan shaqo
helayo isagoo aanan eegeen dhibaatooyinka  ba’an ee laga maraya tahriibka iyo sidii
lagu gaari lahaa yurub, Sanadkan gudihiisa ayaa waxaa tahriibay inkabadan 30 arday
kuwaasoo isugu jiray kuwa dhameestay wax barashadooda iyo kuwa weli kugudajiray,
iyagoo badankood maray saxaraha liibiya halka qaar kalana ay aadeen dhankaas iyo
turkiga iyagoo kusii jeeda Yurubta kale, Dhibaatooyinka ugu weyn ee ay ka
sheeganayaan ardayda misana ku qasbaya tahriibka ayaa ah Shaqo la’aan kajirta
waddanka taasoo looga bixi karo iyadoo ay si rasmi ah ushaqeeyaan Wasaaradaha
Dowladda midaasoo fursad u noqoneysa ardayda wax soo baratay , Ardayda Soomaaliyeed
ee wax kabarta Qurbaha ayaa ah kuwa kaduwan kuwa gudaha  wax kabarta marka aad ka
eegto dhanka waddaniyadda iyo waddan jaceylka taasoo ugu wacan iyagoo dhadhamiyay
dhibaatooyinka
 lagala kulma Qurbaha oo ay ugu horeeso dhanka Jawiga iyo maciishadda oo labaduba ah
mid aad u qalifsan , waayo caalamka badankiisa ay aah ah mid ka cabanaya kuleel
daran  oo  iyo mid ka cabanaya qabow daran  iyadoo ay usii dheertahay dabeylo iyo
baraf usoo da’a sida roobka ookale ,balse ardayga Qurbaha wax kabarta marka uu arko
qalifsanaanta kajirta  jawiga iyo maciishadda  waddanka uu wax kabaranayo  misana
uu dib ujaleecdo waddankiisa hooyo durbadiiba waxaa dhegahiisa kusoo dhacaya
heestii ay kamid ahaayeen ereyadeeda “Hanfi iyo kuleyliyo baraf maleh dhulkeenee
ciiddeena waa hodon  Soomaaliyeey , Heybad waxaad kuleedahay dhulkaaga hooyo waana
lamahuraanee hagar li’i wax ugu qabo , Hantiyey macaan waa midaan hooy lagaa
oranee”  waxaa hubaal ah in ay dareemayaan heybad iyo sharaf in aad kuleedahay
dalkaaga hooyo dagaal doontaahi haka jiro e  islamarkaana aanad siisaneyn waddan
kasta iyo meelkasta ,iskudoo wada duube dhibaatooyinka ku habsata guud ahaan
ardayda Soomaaliyeed
 gaar ahaan kuwa qurbaha wax kabarta ayaa waxaa looga hortagi karaa iyadoo hoggaanka
waddanka ay u istaagaan sidii looga shaqeyn lahaa dib usoo celinya rajada
aqoonyahaniinta misana il gaar ah lagu eego ardayga marka uu wax barashadiisa
dhameesto si ay san u dhicin in ay wax barashada nacaan kuwa isga ka dambeeya
iyagoo ku fikiraya  in ay isku mid yihiin kan wax barta iyo kan aanan baran sidoo
kale dhibaatooyinkan oo dhan waxaa looga bixi karaa iyadoo Wasaaradaha Dowladda ay
ushaqeeyaan si rasmi ah waayo wasaaradaha ayaa waxey dawr weyn ka qaataan yareenta
shaqo la’aanta taasoo keeni doonta in ay yaraadaan kuwa ka tahriibaya wax
barashadooda amaba tahriibaya kadib marka ay dhameeyaan wax barashadooda , ugu
dambeyntii waxaa wanaagsan in aan uwada istaagno sidii aan ugu hortagi laheyn
dhibaatooyinka ku habsada  ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda Qurbaha  iyadoo
taasi lagu keeni karo isu tanaasulid iyo wada shaqeyn dhab ah oo ka timaada
dhammaan dhinacyada qilaafka kala
 tabanaya islamarkaana hadafka loowada duulaya oo noqdo sidii Shacabka Soomaaliyeed
dhibaatada looga saari lahaa iyadoo aanan la eegeen maslaxo qaas ah taasoo sababi
karta in la arko Shacabka Soomaaliyeed oo kuwada damaashaada amni iyo kala dambeyn
iyadoo islamarkaana ay aad uyaraan doonta dhibaatooyinka ay ka cabanayaan dhammaan
ardayda Soomaaliyeed kuwooda wax ka barta gudaha amaba qurbaha.
  
          Wariye: Xuseen Nuur Xaaji  (Nasiib)
         E_mail: huseinnur@hotmail.com
                        Nasib_10@yahoo.com
                            Khartoum_Sudan

 

  Mareeg News Desk

Your comment

 

 
News in English

U.S. considers putting Eritrea on terrorism list 17/08/07

Uganda is sending  250 Military advisers
 Somali oil bill targets former concession-holders15/07/07
Rights group" all sides in Somalia have violated international law"
Landmine kills Somalia Radio boss 11/08/07
Somalia: Government Shuts Down Radio Shabelle And Arrests Its Staff 10/8/07
Arab League denied Islamist Accusations9/08/07
ACivilian was killed during weapons search in Somali capita6/08/07
The chairman of the routed Union of Islamic Courts, Sheik Sharif Sheik Ahmed, in Asmara, Eritrea, denied
Somalian Abukar, 16, was cruelly hunted down on bikes by up to seven youths Daily mirror 03/08/07
Somali national army to integrate Puntland forces   SUDANTIBUNE02/08/07
Somalia: Church Leader Praises Interim Government's Quest for Peace 01/08/07
Exiled Somali Islamists defend their insurgency 31/07/07
Somali Islamists, government-allied troops clash 12/11/06


    ©2001-2007 Mareeg.com  ®All rights reserved.Mareeg Media Website Somalia
E-mail us: info@Mareeg.com
Email Us: news@Mareeg.com