Mareeg On Line

26- 06 - 2005

Hogaan la Šani waa Hooy la Šan (Qeeybtii labaad) 

 

 

Waxaa la yaab leh markii uu burburtay nidaamkii dowladnimo ee calmaaniga aheeyd  waxaa yimid oo soo noqday waxii soomaalida loo diidanaa oo aheeyd Diinta ,cida ugu horeeysay ee soo bandhigta in shareecada leeyku xukumo waxaa eey ahaayn Mudulood, xusuustaa ma iloobo waxaa W/ muqdisho eey gaartay in nabada eey ku soo noqotay xiligaa,waxaan mudan in aan xusno Shiikh Cali Dheere oo ahaa madaxa gudoomiyaha maxkamadha W/muqdisho,halka K/muqdisho laga diidanaa in maxkamado laga abuuro, waxaa sameeysmay dugsiyo quraan ,waxaa eey dadkii fahmeen in eey baadiy-oobeen, waxaa la gartay in xalka umada uu yahay in diinta leeyku wacyigeliyo leeyskuna xukumo, waxaa bilaabmay in la sameeyo maxkamado islaami ah iyo macahadyo islaami ah,Sheekh Cali dheere waxaa uu noqday hogaamiye diimeed laga aqoonsaday dalka iyo dibada waxa qarsoon maaha in uu Sheekh Cali soo celiyay nabada iyo kala danbeeynta magaalada,Suaashuse waxaa eey tahay maxeey u hirgali weeyday in eey sii socoto isku xukunka diinta mudulood  ? dhinaca kale haddii aad ka firiso waxaa weli jira dad amminsan calmaaniyada uu abuuray gaalkii cadaa si loo burburŪyo nidaamkasta oo diin ku saleeysan,haddii aad dib u fiiriso C/aahi yuusuf waxaa ugu horeeysay ee uu dagaal ku qaaday waxaa eey aheeyd dhalin yardii diinta u soo istaagtay isla markaasna rabeen in eey abuuryn nidaamka islaamka uu ku dhisan,Puntland weli waxaa ka mabnuuc ah in diinta eey noqoto shareecada leeyku xukumo,waxaa la ogol yahay oo kaliya in umada eey isku guursato diinta  iskuna duugto oo kaliya,waxaa soo cararay dhamaan culumadii rabtay in diinta leeysku xukumo waxaana eey joogaan xamar ayagoo aan lagu naceeynin qabiilka eey ka dhasheen, koonfurta soomaaliya waxaa  eey leedahay maxkamadyo Islaami ah shacabkana eey raali ka yihiin, waxaana maanta soo baxeeyso in aqoonyahanka soomaaliyeed iyo kuwa ismooday in dalkaani eey leeyihiin oo dhiigya cab ah in eey ku andacoodaan in haddii soomaaliya dowlad loo sameeyn in eey halis u tahay in ururada argagisada eey isku aruursadaan soomaaliya  mujrimka aduunka  BUSH ayaa la soo taagan ,laakiin waxaa taasi lagu macneeyay in la rabo in la baabiyo waxa 15 sanno sameeysmay oo ah fahmida diinta iyo  in dadkaan la rabo in lagu celiyo mugdigii eey ku jireen weligood.

 

Waxaa weli eey umada soomaaliyeed ku jirtaa dhibaatada uu abuuray gumeestaha yurub ka yimid iyo dastuurka uu noo keenay,waxaa qilaaf aad u baŠn uu u dhaxeeyaa hogamiyaasha diinta aaminsan iyo kuwa calmaaniyada aaminsan,qabiilka oo la aaaminaa qeeyb ayuu ka yahay calmaaniyada waayo qabiilka waxaa uu ku gaarsiinayaa in aad ka fogaato diinta Islaamka,waxaad soo dhaweeyneeysaa ninka gaalka ah ee aad isku qabiilka tihiin halka aad fogeeyneeysid midka muslimka ah ee aadan isku qabiilka aheeyn.,waxaan hore u dhahay dhalmaa isku keentay maahinee Masiixi iyo Muslimeey yihiin.waatan qabiilka uu na gaarsiiyay in aan u hiilino qaatilka,mooryaanka,isbaaradhigtaha,sharci diidaha,  iwm

 

Mudulood waxaa uu yeeshay dhowr hogaamiye oo xaga diinta ah iyo kuwa xaga calmaaniga ah,sida oo kale ayaa qabiilwalbaa yeeshay labadaa hogaamiye,runtii 15 ka  xubin oo baarlamaan mudulood u galay waxaa eey yihiin kuwa calmaani ah,waxaase jira hogaamiyaal culuma ah oo aad u faro badan oo jooga dalka runtiina aan la siin wax tixgelin ah,kuwa Kenya lagu magacaabay oo runtii la ogyahay aqoontooda maadiga ah iyo mida diinta ah marna kuma soo noqon oo lama shirin umada eey matalaan balse waxaa eey ku kala jabeen oo eey kala raaceen qabiilada reer mudugeedka,waxaa la dhahaa Ri waalan ridaada laguma xirto, waxaad moodaa in nina uusan xal iyo wanaag uusan u haynin umada uu ka soo jeedo,waxaase eey iloobeen in shacabka mudulood in uusan soo dooran balse eey shacabka lagu qasbay in eey ragaasi ka turjumaan mudulood,suŠasha jirtaa waxaa eey tahay haddii umada aad magacooda ku qaadateen darajada aad aad maanta haaysaan maxaa idiin diiday in aad xalisaan dhibaatada dhextaal muduloodka inta aan la gaarin dowlad soomaliyeed  ? waxaa kale oo leeys weeydiiyaa soomaali isma rabto oo ninwalbaa waxaa ku dhex jira qab iyo isla weeynaan maxaa mudulood ka dhigay midka marwalbaa ka taliya talo aanuu awoodin ama loo maleeyo in uu midba midka kale ku awoorkacsanaayo  ?  maxaa nadhex geliyay  kuwa aan cadaalada rabin diinta u jilicsaneen, jecelna in eey dalka ka iibsadaan Ethiopia iwm.

 

Waxaad moodaa in mudulool culumadii ka soo dhexbaxday iyagana in eeyan haynin xalka bulshada eey ka dhasheen,waxaa eey noqdeen kuwa lagu bajiyo waxaad tihiin argagiso iwm,waxaad moodaa in eeyan weli xil iska saarin waajibka saaran ee xaga diinta iyo mida dadnimada in eey iloobeen kuna daba xirin yihiin kuwa calmaaniga ah,Ilaahaa garan kara xalka umada aad ka dhalteen laakiin koleey tinta ayaa ciida laga ceshadaa, waxaa kale oo umada dhiigooda dhuuqa kuwa loo yaqaan Ganacsatada kuwaas oo aan dan ka laheeyn dhalin yarada iyo dadnimada mudulood,waxaa eey ku taajireen shacabka dhibaata ku dhexjiro,waxeey awoodeen in eey dhisaan skoolaad,cisbitaalo,dariiqyo qaasatan dhulka mudulood, waayo waxaa la dhahaa  Nin nin kaaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna laguma deg dego maantase arinku sidaa maaha ninkii umada wax u geli kara waa in uu dhexyimaadaa waxna uu u qabtaa,waxaad moodaa in eey ayagana eeyan wax dhaamin kuwa dhiiga daadiyay,waxaa la mid ah aqoon-yahanka mudulood oo qalinkooda ku taageera kuwa calmaaniga ah si eey shaqo uga helaan dowlada dhaln doonta,fikirkooda ma soo bandhigi karaan waayo waa kuwa ayagaba calmaaniyada eey abuurtay, Xassan Abshir oo Jawhar iyo muqdisho ka soo noqday gudoomiye gobol xiliyadii la soo dhaafay ahaana R/wasaarahii C/qaasim xiliyadii ugu danbeeyay xukunkii Carta ayaa maanta la soo taagan muqdisho nabad maahin, runtii waxuusan ogeen in Garowe eey degen yihiin reeraha uu ka dhashay rabina in uu maamulo dhulkaas jecelyahayne in uu dhulka mudulood uu madax ka noqdo alow sahal umuuraha.

 

Yaa hogaamin kara maanta mudulood...........waayo waxaa  la dhahay Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto  ?  Aniga waxaa eey ila tahay in bulsha weeynta mudulood eey isweeydiiyaan maxaa dann noo ah, waayo Ninkii tiisa daryeelaa tu kale daryeela yaa hogaamin kara bulshada mudulod,mabdaee ayaa noo fiican in nalgu hogaamiyo,ma midka diinta mise midka calmaaniga ?  Yaa fahansan xilka umada inta uu la egyahay iyo sida loo fuliyo,xaqiiqdii mudulood waxaa ku dhex jira in hogaamin karta dhabarkana u ridan karta hogaanka ku dhisan nabad iyo cadaalad iyo wada noolaasho.Waxaa la dhahaa Ruuxba dhiishuu ruxduu caanaheeda dhamaa,Waxaa mudan in la weeydiiyo ragii tagay Kenya ee uu ugu weeyn yahay Iimaam Maxud Iimaan Cumar iyo ragii matalaayay mudulood meesha eey geeyeen xuquuqda iyo dadnimada mudulood inkastoo la dhaho Nin reer ugu wayn iyo naag naag ka umulisay midna siday wax u arkaan uma sheegaan,

 

 

 

 

DR.Ali:A.Hirabe                                                                                Hirabe_a@hotmail.com