Qolooyinka Asmara
Fadhiya,
Isbahaysiga dib u
xoreeynta mah.ahaee
waa isbahaysiga dib
u baabinta Ummada Somaliyeed.
{Anaa
ammiir wa anta mush ammiir}
Anigaa madax ah maya
ee anigaa madax
noqonaaya intay
lahayeen ayey
Ummadii Somaliyeed
ku dhamaatay halkaas.
Mid
walba waa khaain
xukun doon ah aan
dan & muraad ka
lahayn Ummada
le,aneeysa ee ku
le,aneeysa
gacantooda
maskaxdooda xun.
Walayaal nin
muraayad ku jira
dhagax ma tuurtuuro.
Nin
Ciyaalkiisa
& Waayeeladiisa
dhexdooda fadiya
wuxuu la midyahay
nin muraayado ku
dhex jira, nin
muraayado ku dhex
jirane dhagax in uu
tuuro ma ahan.
Ma
jiro nimanka Asmara
fadhiya dhamaantood
mid u daneeynaayo
Ciyaalka &
Waayeelada
Somaliyeed, balse
hoobiye & banbaano
ay ku Qarxiyaan
ayeey la daba taagan
yihiin Ummada
Somaliyeed ee
tacbaaniinta ah.
Meesha lagu
dagaalamaayo
Adisababa ma ahan
Asmarana ma ahan ee
waa Muqdisho.
Sidaas darteed waxa
ay Qarxinayaan
Qolada sheeganayo in
ay yihiin dib
u xoreeynta
Somaliya, waa
Ciyaalkoodii &
waayeeladoodii,
waxayna sidaas u
doorteen in
ay xukunka ayaga
helaan ama
kursi jogo boos
shaqo ah uu
micnihiisa yahay.
Yaa
waaye ninka ay Xamar
ka xoreeynayaan?
inta
Dowlada ahba waa
wada Somali dhulka
kula leh.
Sidaas ma aha ee waa
xukun doon waxayna
rabaan in ay
Ummadooda dabka
kuwada shubaan,
Somali kaligeedna
uma jeedaane Aduunka
oo dhan ayey rabaan
in ay dab ka shidaan
oo ay khasifaan.
Waa
fajiciso & wax lala
yaabo nin
Ciyaalkiisa, Ciyaalka
walaalkiisa.
Ciyaalka walaashiisa
iyo waalidiintiisa
halki ay ku
noolaayeen
Qarxinaayo oo hadana
ku faanaayo.
Oo
dhahaayo aniga ayaa
Qarixii ay
Caruurteena ku
dhamaatay ka
dabeeyey.
aakhirkana
Nimankaasi ayaga
ayaa dhamaandoona
laakiin dadbadan
ayey la tagayaan.
aniga
waxay ila tahay in
hal meel looga soo
wada jeesto kuwaasi.
Waayo
ayaka ayey tahay in
laga xoreeyo dalka
Somaliya, si dadka
Somaliyeed inta soo
hartay ay ooga nabad
galaan.
By. Mohamed Sheikh
Omar
world9peace@yahoo.com