|
Qeybtii
15-aad
Dabadeed anigii waan isaga tagay, waxaana aaday Hotelka- Curuba ee
magaalada Muqdisho, si aan halkaasi ugu sii noolaado intii aan ka
diyaarinayo safarkeyga UK aan ku aadayay.
haddaan hotelka maalmo deganaa, ayaa la gaaray waqtigii bixitaankeyga,
kadiba dalka Ingiriiska ayaan dib ugu laabtay, halkaasi oo aan nolol cusub
ka bilaabay, waxaan dareemay inaan hadafkii ugu weynaa ee nolosheeda oo
ahaa guurka Istar aan ku fashilmaty, waxaana kadib iska galay wax barasho
aniga bilaabay Machadka London School of Economics.
Dhowr sano, ayaa ku sugnaa nolol ceynkaasi ah oo wax barasho un ku kooban.
mudadaasi waxaan ku gacan seeray codsiyo badan oo ii yimid, kuwaasi oo ku
saabsanaa gabdho doonayay inay nolol ila abuuraan, si kasta oo ay isugu
dayeenna way ku daaleen inay qorshahaasi iga dhaadhicyaan.
Muddo saddex sano ah hadaan xaalkaa ku sugnaaa, ayaa maalin dambe waxaa
isoo wacay, wiilkii saaxiibkey ahaa ee Asad, oo subaxii aan isaga u socday
markuu USA u dhoofayay, si aan u u dhoweeyo aanu is baranay qaalideydii
Istar, markuu igala soo hadlay gobolka Virginia, USA, waxa ay ila noqotay
arrin aad cajiib iila ah, waana siisan waayay, waayo markaan Somalia kasoo
tagayay ayaa xiriir na isugu kaaya dambeysay, anna waanba iska ilaaway oo
noloshii hore oo idil baanba ka haajiray, markuu telefoon gacmeedkeyga
igala soo hadlay, oo uu isku key sheegay, waan iska ilmeeyay, waayo, waxa
uu ahaa saaxiibka ugu wanaagsan ee aan dunida ku lee yahay haddana aan
xiriirkiisa gooyay, "Asadow, sidee ayaad telefoonkeyga ku heshay" baan ku
iri, markaasuu inta qoslay igu yiri "soo adiga gabdhihii dhan nacay, gabar
ku rabtay oo aad diiday baan telefoonkaaga kasoo helay", "wax dhici kara
maahee, iga dhaaf cayaarta, ee wax ii sheeg", ayaan haddana iri, kadibna
waxa ii igu yiri "Gabr Deeqa la yiraah, oo aad macahdka wada dhigataan baa
maalin igu tiri jaceyl baa i haya, oo wiilkaan jeclaa ee Xamza Xaaji ahaana
i diid, markaan wareysi dheer la yeeshay kadibna waxaan ogaaday in qofka ay
ka hadleyso uu Xamzaheygii yahay, saasaan teelfoonkaaga uga qaatay, waa
gabar aan qaraabo kore nahay oo aan mar mar is wacno".
Intaa kadib aniga iyo saaxiibkey Asad, waxaa na dhex martay sheeko isku
hilow oo aad u dheer, waxa uuna kadib ii sheegay inuu doonayo in dalka
Somalia uu ku laabto si uu halkaasi ugu aqal galo, waxaan su'aalay gabadha
uu doonayo inuu guursado, balse waa uu iga diiday inuu ii sheego, waxaana
uu igu yiri "markaan soo baxayo toddobaad kadib, ayaan London soo marayaa,
markaasaan si wanaagsan u wada hadleynaa", anigana "waayahay" baan ku iri.
Toddobaad kadib Asadkii ayaa iigu yimid London, isag oo kusii jeeda
magaalada Muqdisho, sii uu halkaasi ugu aqal galo, markaan isku nimid kadib,
ayaa waxaa na dhex martay sheeko aad u dheer oo ku saabsaneyd gabadha uu
guursanayo iyo bal sida uu xaalkiisu yahay, anaa sheekada bilaabay, oo ku
iri "war lacag baad sameysay, maasha la yiri aroosaa maskiin maaha, ee waa
tuma gabadha aad guursaneyso, bal ii sheeg", markaasi baa isaga oo aad
moodo in farxadda ay ka tan badisy buu igu yiri "war gabadha aniga horta
wax jaceyl ah, ah nama dhex marin, laakiin Xamzow, haddaad aragto, walaahi
isla daqiiqaddan baad go'aan ku gaari in laguu guri geeyo, qurux ay qabto
darteed,", hadaan warka ka dhageystay oo farxaddiisa aan la dhoola cadeeyay
baan ku iri " waan gartaty'e, hadii dhexdiina uusan wax jaceyl ah dhex
marin yaa qorshahan wada?", "qorshaha waxaa wadda hooyo" buu iigu war
gaabiyay haddana, "oo sidee?" baan anna ku dhahay", markaasuu yiri "
gabadha waa gabar xaafaddeena Muqdisho, meel aan ka fogeyn degan, waxay ka
dhalatay qoys waxoogaa iska liita, marka hooyaa inta quruxdeeda iyo
wanaageeda ka yaabtay cidooda la hadashay, oo lacag badan iyo aroos laga
yaabo u ballan qaaday, wayna ogolaadeen, kadibna aniga ayay gabadha
sawirkeeda ii soo dirtay, anna markaan sawirka arkayba qalinka ayaan ku
duugay qorshaha hooyo, marka saaxiibkeygiiyow xaalka waa saas", "waan
gartay" intaan ku dhahay, baan u raaciyay "gabdha magaceed?', magac baan ka
sugayay hees buuba ii galay, isaga oo leh
"Hanaan socodka laafyaha
Hagar la'i wax qabashada
Hindisiiyo falaada
Hab celinta sheekada
Haddaan hooyadeed korin
Ama aan caano la hubin
Ma heeseen asluubtiyo
Edebtiiyo Xishoodkee"
haduu intaas heesta marinayo ayaan ku dhahay "war aniga ii hees kumaan
oranee gabadha aad guursaneyso magaceed?", intuu qosol la dhacay buu yiri "Xamzow
adna sidii damiin oo kale baad rabtaa in far waa weyn wax laguugu dhigo", "weli
kuma fahmin" ayaan haddana dhahay, "Heeskaasi gabadha lagu amaanayo
magaceed" buu i weydiiyay haddana, balse waan isaga aamusay, haduu cabaar
hadal iga waayay buu isaga oo is xanaajinaya igu yiri "war waad waalatay'e
ee naga tag" , kadibna waxa uu ii raaciyay "micnaha waxaan ka wadaa gabadha
waxaa la yiraahdaa Istar...................
La soco qeybta 16-aad berri insha allaah. |