|
Qeybtii 10-aad
………Waan fekeray, waxaana ii
soo baxay qorshe cusub oo aan is lahaa aabe waad kaga bad baadi kartaaa,
kaasi oo ahaaa, inaan aabe ku wergeliyo xiriirka aan la wadaagayo Istar iyo
nolosha cusub ee ii bilaabtay, haddana waxaan is iri armuu aabe ku
weydiiyaa arrimo ay ka mid yihiin gabadha na bar oo guriga keen iyo
waxyaabo kale. Qorshihii ayaa haddana ila xumaaday, fekerkiina wuu igu sii
batay, adiga, ugu dambeyn, waxaan go'aan ku gaaray inaan de dejiyo qorshaha
aan indhaha ugu fiiqayo Istar, dabadeedna aan aqal gal deg deg ah habeeyo,
sidaa ayaana nafteeda ku qarsaday.
Ciilkii aan ka qaaday qorshaha guracan ee Hani, weli sidiisa ayuu ii hayay,
maalinkii xigay ee sabtiga ahaa, ayaan shaqada kula kulmay, markaasaa anoo
carro ay i hareeysay inta wejiga wejiga u saaray ku iri "Waa maxay
qorshahan guracan ee aad ila damac san tahay", waxba igama aysan waalin'e
qosol ayayba igaga baxday, waxaana ayada oo faraxad ay ka muuqato ay igu
tiri " wax kale maahan, sideedaba markaad qof jeceshahay, waa inaad
sameysaa, wax walba oo aad qofkaasi ku heli karto, marka ha la yaabin waa
un dadaal aan adiga kugu raadinayo, miyaad ka xun tahay?', "oo ma kula
tahay naf aan raali kaa ahayn inaad sidaa ku heli karto?", ayaan haddana
weydiiyay, balse waxay hadal iigu koobtay " Waan arki doonaa bal waxa ka
yimaada dadaalkeyga".
Intaa kadib ayaan inta hadaladeeda jees jeeska u adkeysan waayay isaga
tagay. la hadalkeeda wax aan carro hor leh ahayn kama aan dhaxlin, waxaanse
isku qnaciyay in mar ay ahaataba aan ka adkaan doono qorshaheeda qaabta
darran.
Waqtigii ayaa is guray Jeceylkii na dhex yiilay aniga iyo Istarna waxa uu
gaaray meel sare, kullamadeena ayaa batay, qalbigeeda ayay xaqiiqdii si aan
hagar lahayn iigu furtay, waxa ay i tustay nolol macaan oo aan arag inta
aan dunida ku noolaa, la sheekeysigeeda iyo la kullankeeda ayaaba ii ahaa
farxad, oo wax aan siisan karo maanan arag, iyana si dhab ah ayay ii
jeclaatay, oo toban jibaar ka badan inta aan aniga jeclaa, way i aamintay
anna waan aaminay, way igu kalsoonaatay anna waan ku kalsoonaaday, taasna
waxay xiriirkeena ka dhigtay mid aan la loodin karin. iyadu waxayba gaartay
heer ay i tiraahdo "hadaan adiga ku waayo nolol iima jirto", waayo jaceylka
ka sokow, reerkeeda ayaan xitaa xag dhaqaale ka taageeri jiray, taasna
waxay keentay in qoyska oo dhan ay ii xitiraamaan sida amiir oo kale, anna
waxaan mar walba ka ballan qaadayay in inta la iga dhigayo iilka aan
garabkeeda taagnaano doono, nolosheena iyo xiriirkeena sidaasi ayay isugu
xirmeen.
Haddii nolosheena ay muddo sidaa ku dhisneyd, ayaa waxaa la gaaray waqtigii
aan aniga sida aadka ah u sugayay ee bisha December, oo ahayd xiliggii
Istar ay ii sheegtay inuu yimaado dhaqtarka kaliya ee awooda u leh inuu
fiiqo indhaheeda, maalin ay tahay khamiis, oo bishuna ay ahayd 3, ayaa
waxaan qabtay goobtii la iigu sheegay inuu fariisto ee agagaarka Daljirka
Daahsoo.
Markaan goobta tagay, ayaa waxaan weydiiyay dad meesha ka og dhowaa, iyana
iguma aysan daahin'e durbaba way ii tilmaameen. xaruntii ayaan tagay,
waxooga dad ayaa iga horeeyay'e waqtigeyga ayaan sugay, waxaana ugu dambeyn
u galay dhaqtarkii.
Markaan gudaha u galay, ayaanba la yaaba sida uu dhaqtarka u dhallin yar
yahay, iyo aqoonta uu leeyahay, kadib ayaan salaamay isna wuu iga qaaday "fariiso"
ayuuna igu yiri, markaan salka dhigtay, ayaa waxa uu ii yiri "haye maxaa
dhib ah oo ku heysta", kadib ayaan bilaabay inaan bilow iyo dhamaad uga
sheekeeyo sida ay Istar ku indho beeshay iyo in dhaqtarka kaliya ee daweyn
kara uu isaga yahay, sida ay iyada ii sheegtay, durbaba wuu gartay wuxuuna
igu yiri "waan fahmay cudurka gabadha indhaha ka galay, intiisa badanna xal
looma helo, laakiin bal gabadha ii keen, si aan u eego, ogowna hadii ay
noqoto in indhaheeda wax laga qaban karo, in lagaaga baahan yahay, $1000,
si loogu hagaajiyo indhaheeda haddana waad sii bixi kartaaa".
Farxadii abid nolosheeda ugu weyneyd, ayaa i saaqday, waxaanaba aan ku
sigtay inaan sare jooga ka dhaco, aniga oo meel aan is dhigo la' ayaan
kasoo baxay goobtii caafimaad ee Dhaqtarka, kadibna anoo faraxsan ayaan
gaarigeygii yaraa kusoo dhacay, balse in cababar ah haddaan farxad iskula
hadlayay, ayaa waxaan xasuustay inay jiri doonto caqabad dhinaca qarashka
ah, waayo lacagta xilligaasi uu dhaqtarka ii sheegay gacanta iiguma jirin,
hase yeeshee, waxaan is tusay inaan aabe ka qaato ama aan iraahdo i deymi,
inkasta oo aanan ogeyn waxa uu ka oran doono................... lasoco
qeybta 11-aad berri insha allaah.
|