|
Iska Key Illow!.
(Sheeko Jaceyl)
Qeybtii 4-aad
………Waxaan
Weydiiyay, "Sidee ayaad ku indho beeshay, goorma ayaadse indho
beeshay". Runtii jawaabta su'aashaas aad ayay ugu adkaatay Istar
inay si fudud uga jawaabto, anna wax aan filayay bay aheed'e, lama
aanan yaabin waxaan siiyay fursad ay ku hadasho, cabaarna waan u
aamusay. Markii ay waxooga aamusneyd ayay ayada oo madax luxeysa,
diidmana muujineysa igu tiri "..iih…maya Xamza,w aan ku baryaaa
sheekadaas inaan guda galo ma rabo ee iga dhaaf…waa qiso xanuun badan
runtii", kama aanan yeelin'e
"inaad ii sheegto mooyaan'e gow iyo gash ma leh", baan ku
iri. Dood dheer kadib waxaan ku qasbay inay sheekadaasi ii guda gasho,
iyadana waxoogaa way I qadarineysay'e, way iga ogolaatay.
Intaa kadib, ayaan inta fadhiga qaabeestay, labada sacabna labadeyda dhaban
ku qabsaday, aniga oo isku diyaarinaya dhageysiga Sheekadeeda,
markaasaan ku iri "haye ii bilow hee…", inta ay
"ok" iguu hadal gaabisay ayay sheekadii daaha ka rogtay,
ayada oo ku bilaabeysa… "…Aabahay waxa uu hooyadey guursaday,
isaga oo aan waxba heysan, laakiin aad u niyad wanaagsan, hooyo iyo
Aabe, waxa ay iksu guursadeen Jaceyl, si kastaba aniga ayaa nasiib u
yeeshay inaan noqdo mirihii ugu horeeyay ee Jaceylkooda ka dhashay,
inkasta oo laba kale ay iga daba mareen, markii aan dhashayba Aabe Jaamac
Dheere, dhaqaatiir ayaa uga digay in indhaheyga aysan wanaagsaneyn,
laakiin digniintaasi Aabe waa uu iska dhego mariyay, wuuna fududeystay.
Si kastab markii aan noqday lix jir, ayaan la igu arkay indho xanuun,
subaxii markaan kacayo, waxaan soo toosi jiray indhaheyga oo isku
dhegan, mana aysan kala fuqeyn ilaa biyo la ii kululeeyo, oo la igaga
meero, cad ceeda iyo iftiinkaba waa ay I dhibi jireen, oo maanan u
adkeysan karin, indhaheyga waxa ay u guduudnaayeen sida suugada oo
kale. Marxaladdaasi waxaan ku sugnaa ilaa aan ka gaaro 12 jir, intaana
Aabahay waa uu iga fekeri jiray, sii uu maalin un u arko indhaheyga oo
caafimaad qaba, balse awood dhaqaale, ayaa dadaaladiisa oo dhan
xanibay..een..een".
Markii ay intaasi hadal ii marineysay ayaa mar qura indhaheedu ay ilin
kasoo hoobatay, oohin ayayna afka furatay, xaaladdaas anigaba way I
saameysay oo waan la ilmeeyay, balse intaan safaleeti jeebka kala baxay
ayaan ilintii ka tiray. Waxaa aad ii farxad geliyay in markan aysan
gacanteeda iska qaban. Intaa kadib ayaan ku iri "Istar caloosha
xir..waa laga gudbaa waxan'e..ee ii wad sheekada", "waa
yahay" inta ay tiri, ayay halkeedii kasii amba qaaday, ayad oo
dhaheysa.. "..markii aan 12 sano gaaray, ayaan bilaabay inaan
habeenkii wixii ka bilowda salaada maqrib kadib aan araga lumiyo,
xaaladdaas ayaan ku sugnaa ilaa aan ka gaaro 15 jirkeygii, markaasi oo
ugu dambeyn aan arag oo dhan waayay, xitaaa maalintii, waxaanse ku
faraxsanahay markii aan saas noqonayay ay kusoo beegantay dhowr bil un
kadib markii aan dhameeyay dugsiga sare, taas aabahay wuu u adkeysan
waayay, hadii muddo hal sano ah, aan sidaaa ku joogay ayaa 16 jirkeyga,
waxa uu aabe raadiyay dhaqaatiir, laakiin waxaa loo sheegay inuu jiro
hal dhaqtar oo sanadkii mar yimaada oo nooca qaliin ee aan u baahanahay
kaligiis un taqasus ku heesta, qarash badanna raba, markaa kadib
aabahay waxa uu go'aan ku gaaray inuu iibiyo gurigan aan leenahay, sii
qarashka qaliinka uu ugu bixiyo, balse nasiib darro, markiii uu
go'aankaasi gaaray kadib, ayaa waxaa qabtay xanuun deg deg ah, kaasi oo
uu u geeriyooday, ana sidaas baan ilaa iyo hadda oo aan 21 jir ah ku
indho la ahay".
Markii ay sheekada ii dhameysay, ayaan inta labada dhaban sacabadii ka
qaaday ku iri "…ha ka baqin, waa ballan inaan howshii uu aabe
qabyada ugu tagay aan dhameystiro..ee niyadad kheyr u sheeg",
"waad mahadsan tahay" ayay iyana iguu hadal gaabisay.
Kadib waxaan iska galnay sheekooyin guud oo caadi ah, ilaan aan waqti
kale ka ballano, oo aan is macsalaameyno. Habeenkaas aniga oo
qalbigeyga murugo ay buux dhaafisay ayaan gurigeyga dib ugu soo
laabtay, markii aan aqalka dib ugu soo noqday, ayaan Hooyo, oo markaa
deerka ku fiidsaneysay salaamay, waxayna ii sheegtay in qof uu ii
yimid, "waayo qofka ii yimid Hooyo" ayaan ku iri.. "Waa
gabadhii Hani ahayd ee adeer dhalay, oo aad isla shaqeysaan, alaab ayay
kuu dhaaftay oo aan miiska kuu saaray" ayay iyana iigu jawaabtay.
Durbadiiba waan gartay inay tahay gabadha uu dhalay agaasimahaa
Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ee aan ka shaqeynayay,ahna adeerkey
aabahay la dhashay, waa gabar muuqaal wanaagsan, iskana qurxoon,
laakiin illaah uu ku ibtileeyay kibir iyo isla weyni baas, ka
faaleenteeda ayaan waxba ku dheeraan'e, qolkii ayaan galay, markii aan
dharka iyo kabaha iska dhigay, ayaan eegay miiska, si aan u arko alaabta
ay gabdha ii dhaaftay, Baqshad, ayaa dul saarneyd, inta aan soo qabtay,
ayaan sariirteeda tul tagay waan furay si aan u aqriyo, waxaana ay u
qorneyd sidan….. …… La soco qeybta shanaad berri insha Allah
|