ACWW,
Talo iyo tusaale ku
socda, Beesha Hawiye.
Sida
ay Beesha Hawiye ku
Nabad Gali karto una
horumari karto.
Beesha
Hawiye oo ka mid ah
Beelaha Somaliyeed
mid ka mid ah ayaa
waxaa ay nasiib u
yeelatay, dagaalo
Sokeeye & mid
dibadeedba oo ayada
khaas oogu dhaca.
Hadaba
waxaa la hubaa inta
uu meel dagaal ka
jiro in aysan jiri
karin wax nolol ah
ama horumar ah oo
meeshaasi ay yeelato.
Sidaas
darteed su,aalaha
muhiimka ah waxay
yihiin (3) su,aalood,
Qodobka 1aad sidee
Beesha Hawiye
deegaanadeeda Nabad
ku noqdaan? Qodobka
2aad Sidee Gobolada
Beesha Hawiye loogu
helaa Maamul nadiif
ah ama wanaagsan?
Qodobka 3aad In
Beesha Hawiye ay
waligeed isku
duubnaato, iskana
ilaaliso waxa la
yiraahdo munaafaqad
ama laba wajiile ama
marba meel la jiris,
taas oo ayan Beesha
caado u ahayn oo ay
ku dhaqmaan qaar
ayada ka tirsan.
Beesha Hawiye
inteeda badan laguma
yaqaano laba wajiile
nimo ama munaafaqad.
Su,aasha
1aad jawaabteeda.
Waa
in ay Beesha Hawiye
la timaado siyaasad
isku duubni yacni
midnimo Hawiye. Waa
in Beesha Hawiye ay
la tumaado siyaasad
ku dhisan raadin
nabad kuwada
noolaansho oo ay ka
raadiso gudaha iyo
dibadaba.
Marka
aan leeyahay dibada
waa ka biloow
dowladaha jiraanka
ah in aan la
heshiino oo aan
looga orodbadinin.
Kuwa reer
galbeedkana sidoo
kale oo ay ogu
horeeyaan Maraykanka
iyo Ingiriiska.
intaas waa in aan
noqonaa dad saaxiibo
leh oo ilaahna ku
tiirsan.
Waa
in ay beesha u
ekaato ama loo
sawirto in ay tahay
dad la isku haleen
karo oo aamin ah naf
& maalba.
Dadka
Somaliyeed ee ku
nool Gobolada hawiye
ee aan hawiyaha
ahayn, waa Somali
waa in ay dareemaan
in la citaraamo oo
loo tuso in ay
dhulkooda jogaan oo
ay oola simanyihiin
midka Hawiyaha ah.
Waa in ay dadkaasi
ay helaan nabad
galyo buuxda iyo
xaqdhoowr sidii
waayadii horeba lagu
yaqiinay Beesha
Hawiye, taas oo
xitaa lagu sheegi
jiray lagu aamaani
jiray daris wanaag.
Sidaasna
Beeshu waxay ku
kasbaneeysaa dadka
Somaliyeed ee aan
Hawiyaha ahayn iyo
waliba indhaha
Caalamka oo uu
qiraayo in ay Beesha
hawiye tahay beel la
isku haleen karo oo
xil kas ah.
intaas
marka ay kasbato
waxay Beeshu heleeysaa
Nabad galyo mid
ayada la siiyo iyo
mid ayada laga helay,
taas oo canfacaysa
dadka Beesha Hawiye, aduun
& aakhiroba.
Qodobka
2aad jawaabteeda.
Waa
in ay Beesha hawiye
yeelato ismaqal.
Marka ismaqalka la
helo waxaa
sahlanaanaayo wax
kasta oo tasiilaad
ah. Waxaa la
sameeynayaa maamul
loo dhanyahay oo ku
yimaado, doorasho
dadweyne oo cadaalad
ku dhisan.
kaas
oo laga ilaaliyo,
wax xaqdaro ah ama
Laaluush iyo wax la
mid ah. In marka ay
maamul iyo madax ay
Beesha dooraneeyso,
lagu martiqaado
dadyoowga kale ee
Somaliyeed &
Dowladaha kaleba, si
ay u arkaan
Cadaalada iyo
Horumarka ay Beesha
Hawiye gaartay.
Qodobka
(3aad) In Beesha
Hawiye ay waligeed
isku duubnaato,
iskana ilaaliso
munaafaqada ama
marba meel la
jirista.
Dagaaladii
Sokeeye ee dalka
Somalia ka dhacay,
waxay ku dhisnaayeen
isbahaysi Qabiil.
Kuwaas
oo ahaa Hawiye &
Daarood.
Hadaba
waxaa dhacday in
markii la ridaayey,
Rajiimkii Mohamed
Siyaad Barre's ay
Beesha Hawiye u
dhanayd" ka dibna
waxaa biloowday kala
tag, isdagaal,
abuurid cadaawad oo
Beesha dhexdeeda ah
& tanfaraaruq.
Waxaa
dhacday in Beel ka
tirsan Beesha hawiye
ay xiriir
saaxiibtinimo oo ku
dhisan Goboleeysi la
yeelato, Beeshii
Daarood, Beel ka mid
ah, taas oo markii
hore meel looga soo
wada jeeday.
Waxay
ay la bexeen xitaa
magac gaar u ah oo
la yiraado,
Walaalaha Galgaduud.
Isla
markaasna ay wada
jir ola dagaalameen
Beel ka mid ah
Beesha Hawiye oo
deegaankeeda ay ogu
tageen si gardaro
ah, ayna ku laayeen
kuna dhibaateeyeen
halkaasi.
Arintaasna
waxay ka dhacday
Gobolada Jubooyinka.
Sidaas
darteed waa in ay ka
fogaato Beesha
Hawiye khaladaadka
noocaas aan soo
sheegay oo kale ah.
Waa
in Beesha hawiye ay
ka faa,ideeysato
deegaanadeeda
khayraadka badan
dadkeedana ay ka
gaajeeysanyihiin.
Mahadsanidiin
By. Mohamed Sheikh
Omar
world9peace@yahoo.com