Mareeg Online somalia news Top10 Ring tone

warephonehouse

T-Mobile Tmobile Mobile Phone Free Mobile Phones O2 02 Mobile Phone Free Mobile Phones 3G 3 Mobile Phone T-Mobile Nokia 7373Free Mobile Phones

8Months £2.99 1800 texts

Muqdisho Waa 4,5  Taada Kulla lehi Teeydana Anaa leh
 
Wallaalo isnacay weey xabaalo badiyaan weeyna xoolo yareeyaan,waa tan maanta ka dhex
jirto reer   Muqdisho in aan la jecleen in laga hadlo Qabiilka balse kuwa Maquuste u
shaqeeya ma jeclo in umda xaqooda loo sheego maadaama Maquuste uu ku yimid qaab
Qabiil,waxaa ku hortaal waxaad tahay qabiiliiste iwm waxaanse u sheegayaa umada
gumeeysiga Ethiopia ku kasbaday qaadashada shareecada Islaamka in eey sii wadaan
halganka gumeeysi diidka ah,canaasiirta Maquuste waxaa eey ku doodaan MMI waxaa eey
ayaaheen hal qabiil waxaase caalamka aaminsan yahay waxa eey qabteen MMI laguma
tilmaami karo hal qabiil,haddiise eey ahaayeen hal qabiil waxaad moodaa in qabiilkaa
uu mudnaa in loo mahad celiyo laguna amaano waxa eey qabteen runtii ma mudneey in la
gumaado lagana saaro xamar.
 
Maqaayadii Cali Mahadi waxaaad moodaa in eey socon weeyday sabbabo jira awogeed,inta
umada eey ku  dhex jiro iska xoreeynayo Ethiopia iyo dabadhilifyada aan damiirka
laheeyn ee jecel in umada la ogoleeysiiyo gumeeysiga iyo Maquuste ilama aha in
nabada iyo cadaalo la gaari karo.Nabdi ma dhaceeyso inta nina uu u taagan yahay
Taada kulla lehi Teeydana anaa leh,Puntland waxa eey cadeeysatay in eey ka xor tahay
soomalida inteeda kale haddiiba eey sidaan tahay Maquuste waxaa quman in uu ku noqdo
Puntland waxaa eey somalida dhahdaa Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma
garto Qurunle Maquuste waxaad moodaa in uu ku guuleeystay in uu kalla qeeybiyo umada
 xiliga lagu jiraa waxaa uu Maquuste soo bandhigay in Muqdisho eey tahay mid
qeeybsi ah ee 4,5 somalina uusan  u ogoleeyn in eey cidwalba ka tashato
aayaheeda,waxaa uu magacaabayaa maamulada gobolada iyo degmooyinka xagee awoodaas ka
keenay,miyaaneey ogeeyn in Federaal dalka uu noqday ,Cade Muuse Puntland ayuu wax ka
sheegi karaa Muqdisho maya,Qurunle Cali Mahdi waxaa quman in uu umada ku qasbin
qaadashada Maquuste iyo Ethiopia balse waxaad moodaa in aragtidiisa dhaw eey tahay
mar uun maqaayada furo dhaqaalena ka aruurso alow sahal umuuraha.Ruuxba dhiishuu
ruxduu caanaheeda dhamaa.
 
Yaa Wax Dilaya ...??????
 
Waxaa shaki ku jirin in safaarda Ethiopia ee xamar laga furay loo furay in eey ka
how galaan ciidamo sirdoon ah oo aad u faro badan,howsha eey qabtaan waxaa ka mid ah
in eey qorsheeyaan dilalka cidwalba oo umada soomaaliyeed wax gal u ah,waxaa uu
goolkooda yahay in eey dalka ka ciribtiraan dhamaan saraakiishii soomalida ah ee aan
jecleeyn in eey la howgalaan DFK waayo waxaa eey u arkaan in eey dowlada tahay mid
Ethiopia laga xukumo,waxaa eey dilaan cidwalba oo eey u arkaan in uu ka horimaanayo
danaha Ethiopa iyo Maquuste, hadafkooda waxaa ugu horeeya in caalamka uu u ansixiyo
in eey dalka soomaalia waligood joogaan,waxaase foolxuma ah in Cali Mahdi uu shirka
nabada dhex fadhiyo maalin walba iyada oo xamar dagaal ka dhexsocdo laguna dilayo
aqoon yahanada,saraakiisha,iyo rayidka soomaaliyeed,meel aan nabd aheeyn ayuu
ruwaayad ka dhexwadaa,haddiise eey daacad ka tahay kuwa shirka iskugu yimid nabada
iyo soomalinimada maxeey u canbaareen waayeen dowlada Ethiopia gumaadka eey ka wado
xamar maalin walba...........sow madadaalo iyo shinbirayhaw heesa so maahin,Maquuste
waxaa u adeega huwanta Ethiopia cid uu adeeg ugu baahan yahay ma jirto,waxaa uu
wadaa in umada eeyan dhisan dowlad goboleeyd aayahooda ka taliya,sidee loo dhisaa
dolwad goboleed la mid ah midka Puntlan marba haddii aan laguu ogoleeyn in aan
dadkaaga soo xuluto sida Puntland,Maquuste miyeey kula tahay in uu dastuur dowlad
goboleeyd kuu ogol yahay waxaan hadalkeeyga ku soo gababeeynayaa heeryada gumeeysiga
cusub ee Maquuste iyo Ethiopia dagaalka lagula jiraa waa mid xaq ah ninwalba mudan
in uu ka difaaco dalkiisa,diintiisa,iyo dadkiisa.
 
 
 
Shirna waa wadaa Shilkana waa Shubaa sheekadee bal Sheega
 
 
 
 
 
Dr.Ali.A.Hirabe                                            Hirabe_a@hotmail.com

 

                  

Free Mobile phone? 1.99 Uk only?

 Mareeg News Desk

info@mareeg.com
Bogaan

 Credit check Mobile Best deals no

 


   
 
 

Magaca: Emaylka:
Comments:

Halakaa ka dawo fikradaha kale