Main News
Warar dheeraad ah kulankii Beesha Cayr ee shalay ku yeesheen Magaalada Muqdisho
Iyadoo shalay Beesha Cayr oo ka mid ah beelaha Hubeysan ee dega Magaalada Muqdisho taageero buuxda u fidisay Dowladda Midninmada qaran ee uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif, ayaa Odayaasha, waxgaadka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo ganacsatada waxay magacaabeen Gudi farsamo oo la xaajooda ragga beesha ka tirsan ee mucaaradka ku ah Dowladda Soomaaliyed.
Kulanka shalay ay ku yeesheen Beesha Cayr Hotelka Royal Guardan (Ex Hotel Guuleed) ayay uga wada munaaqashoodeen xal u helida mushaakilka ku hor gudban Dowladda iyo sidii Beesha ay ugu madax banaanaan laheyd qalalaasaha joogtada ee ka taagan Caasimada ayay ugu dambeyn go'aan ku gaareen in la sameeyo Gudi farsamo oo la xaajooda Ragga mucaaradka ee beesha ka soo jeeda, kuwaasoo si adag u diidan Dowladda.
C/raxmaan C/shakuur oo ah Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ahna siyaasi ka soo jeeda Beesha Cayr ayaa sheegay in beesha looga baahan inay meel uga soo wada jeesato arrimaha ka taagan caasimada iyo sidii ay ugu shaqeyn laheyn Nabadgeylada.
Waxaa uu sheegay inay jiraan rag mucaaradsan Dowladda, kuwaasoo uu sheegay inay xirir la sameeyeen, waxaana uu tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin in beesha ay isu soo duwaan si loo gaaro midnimo buuxda.
"Haa waxaa jira kulamo aan la yeelanay shaqsiyaad uu ka mid yahay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde waana is aragnay oo waan wada hadalnay, cidkasta oo beesha ka tirsana kulamo ayaan la qaadanaynaa"ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in kulankii shalay ay beeshu yeelatay uu qadka Taleefanka kaga qeyb qaatay Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed oo ku sugan Magaalada Guriceel, isagoona sheegay in beesha si weyn u taageersan tahay Dowladda.
Laakiin Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa iska fogeeyay ku lug lahaanshaha kulanka Beesha Cayr, isagoona sheegay in aanu ogeyn kulan ay Beesha Cayr isugu timid, isagoona sheegay in Beesha Cayr ay badan yihiin.
Beesha Cayr waxay ka mid tahay Beelaha degan Magaalada Muqdisho ee hubeysan, waxayna beeshan kaalin weyn ku lahayd taageerada Maxkamadihii Islaamiga ee Sheekh Shariif Guddoomiyaha u ahaa, iyadoona in dhawaalaba ay beesha culeys ku saareysay Sh Yuusuf Indha Cadde inuu ka baxo Isbaheysiga Xisbul Islaam isla markaana uu wax la qeybsado ragga hoggaaminaya Dowladda Midnimada Qaran
Lama oga sida ay xilligan beesha meel dhexe isugu imaan karto, xilli ay muuqato kala qeybsanaan Beesha dhexdeeda ee ku aadan Dowladda Midnimada qaran ee uu madaxda u yahay Shariif Sheekh Axmed
Rss English