Main News
Wariyihii sawirka Kismaayo ee Gacan Gooska ahaa oo la xiray.
Mareeg.com-Kismanyo--Waxaa magaalada Kismaayo lagu xiray wariye katirsan Xarakada Alshabaab kaasi oo isla iyaga ay xireen kadib markii uu si qalad ah u baahiyay sawir laga soo qaaday nin Gacanta laga goynayay.
Wariyahani oo Magaciisa aysan inoo suuragelin in aanu helno lakin aanu xaqiijinay in la xiray ayaa waxaa lagu eedeeyay in sawirkii uu ka qaaday xilligii gacan goynta ay sooctay in uu si qalad ah u adeegsaday tusaale ahaan isaga oo siiyay web site-yo ay kamid tahay Waagacusub oo Daahir Yare uu Maamulo Guddoomiyaha Asoj oo ah web site aad uga soo horjeeda falalka shabaabka ay dalka kawadaan.
Dhowaan ayaa lagu wadaa in Maxkamad lasoo taago kadibna lagu qaado waxa maxkamadda ay go’aamiso iyadoo wariyeyaasha kale ee Kismaayo kusugan ay iminka feejignaan dheeri ah ay galeen maadaama raggii iyaga la shaqeynayay ay xireen.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay raggii sawirada uu siiyay ee lagu heysto wariyahaasi in uu ka iibiyay lakin sawiradaasi ayaa waxa ay ahaayeen kuwa muujinayay fal Naxdin leh maadaama gacan la jaray iyo seeftii lagu jaray oo is dulsaaran lasoo sawiray. mareeg.com
Rss somali
Rss English