Main News
Shirkada Xawaalada olympic oo Online-keedii kuugu dartay bilo ka hor SMS Fariin ah
Mareeg.com-Shirkada Xawaalada olympic oo Online-keedii kuugu dartay bilo ka hor Adeega SMS-,ka, hadana kuugu Bishaaraynaysa in ay maalmaha ugu danbeeya Dulxaj ay kuu samaysay Qiimo dhimis iyo shaqo kordhin…
Marka uu qofka Maraykanka Jooga, ama UK.Swden,Holland, Dennmark iyo meelo kalaba Marka uu Galiyo Aalada Computer-ka waxaa si Deg deg ah kuugu soo dhacaya fariin ku Oranaysa fadalan lacag ayaa olympic kuu taalaa Hebe lee Imow xafiiska olympic kan kuugu dhow.
Ma Sugaysid fariin ay kuu soo Diraan Meesha aad lacagta ka Doonaysid, Waxaa lagaaga baaqayaa oo lagaaga Yeerayaa waa Yurub ama Meeshii lacagta lagaaga soo Diray ee la soco.
Bal aan kuu sii Raaciyee marka aad qaadato lacagtaada waxa uu haduu yahay Walaal, Odaygii, Ooridii, waalidkii waxay si Fudud ku helayaan ayagana fartiinta ku soo gaartay oo kale, oo Ranaysa Walaal lacagtii aad Hebel u Dirtay waa uu qaatay.
Sidoo kale Shirkadani ayaa waxay Bisha Dulxaj fadligiisa ay hoos u dhigtay Qidmadihii lacagaha lagu diri jiray iyo kuwii lagu soo Diri jiray, taasi oo u sahlaysa dadka in ay lacagahooda isku diraan.
Shirkada Xawaalada Olymmpic Ayaa isla Bishan Dul Xaj Maalmaha ugu danbeeya waxay Shaqaalaheeda Heegan Buuxa u galisaa sidii Habeen iyo maalin ay u shaqayn lahaayeen, taasi oo lacagaha iida loogu tala galay si ay ugu Fududeeyaan dadka, Macaamiisha la ah.
Hadaba mar aan maanta Booqday Shirkadaasi xafiiyadeed mid mid OO ku yaaley Magaalada london gaar ahaan degmada streatham oo aan u Kuur galayay Diyaargarowga Maamulkeeda iyo shaqaalaheeda ay u Diyaargaroobeen in ay dadka gaaraya kumanaanka oo Bil walbaa iyo Sanad walabaa la macaamilo ay ugu Diyaargaroobeen, ka Xafiiska ahaan ayaa waxaa ka Muuqatay Diyaar Garow.
“ waa wax lagu faano in Gurigayga anoo jooga into Line Lineka la iga soo Wici lahaa, marka aan soo Toosay aan ku arkay Mobilkayga Erayadaan’ faldan: shirkada Xawaalada Olympic ayaa lacag kuu taalaa ee u imoow Fadlan, taasi oo Muujinaysa in
Shirkadeena olympic ay Mar walba u taagantahay u Kuur galida wixii Caalamka ku soo kordha”
Ayay ku Catawday Hoyo aan kula Kulmay Goob an ka Fogayn Kontarada lacagta laga qaato.
Shirkadani ayaa waxay tahay shirkada aad ula jaan Qaadaysa Caalamka aynu ku Nool Nahay waxayna markii Xariga laga Jaray 10 sano ka hor -kii hore ka bilaawday adeega Online-ka oo shirkado badan oo ka horeeyay aysan ku talaabsan, taasina waa Guulaha Deg deg ah ay shirkadu gaartay intii ay jirtay.
Isku soo duuboo hadaad Mobil leedahay oo aad Sugaysay Lacag ayaa kuu taal taasi laga Gudbaye ka Eego Xili walba Mobilkaaga adeega Casriga ah ee SMS-ka si Fudud, markasta oo aad lacag sugaysay.
Hadii aad u baahato adeeg xawaalad oo aad degantahey magaalada London Gaar ahaan xaafadaha south west la soo xiriir:
Tel:2087690634
Tel:07737886245
1G Gleneagle Road London
SW16 6AX
Rss English