Main News


Ciidamada Midowga Yurub oo markab la afduuban lahaa badbaadiyay.


Afhayeenka Ciidamada Yurub ee kusugan Biyaha Soomaaliya una jooga halkaasi la dagaalanka Kooxaha Burcad badeedka Soomaalida ayaa waxa ay badbaadiyeen markab ganacsi oo laga leeyahay wadanka Slovenian.

Markabkani ayaa markii ay soo weerareen kooxda burcad badeedka Soomaalida waxa ay gar gaar u dirsadeen maraakiibta midowga Yurub ee kusugan xeebaha Soomaaliya, waxaana kasoo gaaray markab dagaal oo laga leeyahay wadanka Denmark.

Kooxda Burcad badeedka ayaa markii ay arkeen markabkaasi dagaal kadib waxa ay isaga carareen halkaasi iyaga oo aanan wax afduub ah geysan inkastoo iyaguna aanan gacanta lagu soo dhigin.

Kooxaha Burcad burcad badeedka Soomaalida ayaa lasheegay in marka ay afduubanayaan maraakiibta marka hore ay ku garaacaan Baasuukeyasha taasi oo qal qal weyn ku rida markabka ay doonayaan in ay afduubtaan inkastoo inbadan sidaasi ay wax ku afduubteen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo koox burcad badeed Soomaali ah iyaga oo wax afduuban lahaa laga hortagay isla markaasina laga fashiliyay markab ay doonayeen in ay afduub u geystaan.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg