Main News


Barakac ka bilowday deegaannada ciidamada TFG iyo Mucaaradkooda lagu xoojinayo.


Kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda ay xoojin iyo isbadal iyo kordhin ay ku sameeyeen ciidamadooda taasi oo bulshada cabsi xoogan ay ku abuurtay.

Qaar ka mid ah qoysaskii fara kutiriska ahaa ee ku haray degmooyinka ay isku horfadhiyaan dhinacyada isku haya Magaalada Muqdisho ayaa Cabsi darteed ugu cararay Xaafadahooda iyadoo xaafadahaasi ay noqdeen iminka kuwa faaruq ah marka laga reebo dhowr shaqsi oo u jooga xaafadahaasi hab waardiye.

Waxaa kamid ah xaafadahaasi Degmooyinka Waqooyiga Muqdisho, Boondheere, wardhiigleey iyo deegaanno kale oo kamid ah kuwa saaran wadada warshadaha.

Dadka barakacaya waxa ay kuu sheegayaanin ay u barakacayaan kadib markii ay dareemeen saan saan colaadeed taasina ay ku qasabtay in ilmahooda ay meeshaasi kala cararaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay tahay iminka magaalada looga baqdin qabo in dagaallo ay ka qarxaan maadaama dhinac waliba ay kajirto diyaar garow aad u xoogan iyadoo dhowaan un ay aheyd markii wasiiro katirsan dowladda federaalka ay sheegeen in ay weerar ku  yihiin kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya.

 

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg