Main News
Indhacadde “Dowladda kama dambeyso gubashada Bakaaro ee iyagaa lacag iskuheystay”.
Dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay shaaca ka qaaday in dabkii dhowaan ka kacay suuqa Bakaaraha ay ka dambeeyeen kooxaha Mucaaradka ah gaar ahaan Alshabaab.
Shir jaraa’id oo maanta magaalada Muqdisho uu ku qabtay Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga dowladda federaalka Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) ayaa ku sheegay in dabka uu ka dhashay kadib markii kooxda alshabaab dhexdooda khilaaf uu ka dhashay kadib markii ay isku qabteen lacago ay heysteen.
Koox kamid ah kuwii carooday ayuu sheegay Indhacadde in ay bam kusoo tuureen halkii ay kusugnaayeen kooxda kale taasina ugu dambeyn ay sababtay in meeshaasi uu dab ka qarxo kaasi oo geystay khasaaraha la ogsoon yahay.
Waxa uu Sheegay Sheekh Yuusuf Indhacedde in dowlada KMG aysan ka dambeyn dabkii dhawaan ka kacay qeyb shidaal lagu iibiyo oo ku taala Suuqa Bakaaraha isagoo sheegay in dabkaasi ay ka dambeeyeen Xarakada Al-Shabaab islamarkaana sida uu sheegay ay si ula kac ah u gubeen goobtaasi lagu iibinayay shidaalka sida uu hadalka u dhigay.
Horey ayaa Alshabaab waxa ay ugu eedeeyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa amisom oo ay sheegeenin ay ka dambeeyaan dabkaasi ka kacay Bakaaro qeybta shidaalka kadib markii madfac ay kusoo duqeeyeen halkaasi.
Rss somali
Rss English