Main News


Gobolka Sool oo weli qalalaaso uu ka taagan yahay.


Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in weli halkaasi uu kajiro qalalaase aad u xoogan oo qeyb ka ah banaanbax shalay halkaasi ka dhacay.

Banaanbaxa ka dhacay halkaasi ayaa waxa uu yimid kadib markii ciidamada halkaasi kusugan ee Somaliland ay qab qabteen oo ay xabsi ku gureen macallimiin dugsi quraan oo aad u fara badan iyaga oo ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dhibaatooyinka ka taagan halkaasi.

Qalalaasaha saakay laga dareemayo laascaanood ayaa saakay ah iyadoo laga cabsi qabo dibadbaxyo kale halkaasi in ay ka dhacaan kaasi oo looga soo horjeedo Maamulka isku magacaabay Somaliland.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada Somaliland ay kasoo qab qabteen dad aad u fara badan Laascaanood iyaga oo si gaar ah u soo qab qabtay Macallimiinta dugsiyada taasi oo keentay in dhibaato banaanbax oo dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay halkaasi uu ka dhoco.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg