Main News


Maamulka Shabaab ee Bay iyo Bakool oo dagaal ku baaqay.


Maamulka Ururka Alshabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxa ay shaaca ka qaadeenin ay ka warheleen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Ciidamada dowladda federaalka.

Mas’uulka Gobolka Bakool u qaabilsan Alshabaab Sheekh Aadan Yare ayaa waxa uu sheegay in ay ka warhayaan dhaq dhaqaaqa Ciidamada dowladda isla markaasina ay lasocdaan kuwa Itoobiyaan ah laakiin iyagu aysan sidaasi uga aamusi doonin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ugu baaqayaan shacabka Gobolada Bay iyo Bakool degan in ay si deg deg ah arrintaasi jawaab uga bixiyaan isla markaasina ay u diyaar garoobaan dagaal xoogan oo ay la galaan ciidankaasi Itoobiyaanka iyo kuwa dowladda federaalka.

Ururka Alshabaab ayaa maalmahani waxa ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay ku booriyaan dadka si ay qeyb uga noqdaan dagaallada ka dhici doona dalka.

Alshabaab waxa ay iminka qabaan dareenka ah in dagaal xoogan uu kusoo wajahan yahay kagana soo wajahan yahay dhanka Dowladda federaalka iyo sidoo kale dhanka Xisbul Islam iyo Ahlu Sunna maadaama aanu kawada dhaxeynin wax heshiis ah halka Alshabaabna ay ka qorsheynayaan dhismaha dowlad Islaami ah oo ugu horeyn Soomaaliya maamusho kadibna geeska Afrika u gudubta.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg