Main News


Sarkaal sare oo Alshabaab una dhashey Urdun oo xaley xamar lagu Khaarijiyey_Faahfa


Mareeg.com-Warar lagu kalsoonyahay oo maanta soo baxay ayaa sheegaya in Amaar Ibrahiim oo ah nin u dhashay dalka Urdun in xalay lagu qaarjiyey guri ku yaala xaafada Adalle dehmada Yaaqshiid ee M Muqdisho gaar ahaan agagaarka Hotel Kaah iyadoo sida la sheegay ay dilkiisa geysteen qaar ka mid ah ilaaladiisa.Warar soo baxay saakay aroortii ayaa sheegay in ninka ay rasaas la dhaceen ilaaladiisa fiidnimadi xalay xilli uu cibaadeysanayey hase ahaatee waxaa la ogaaday in Mr Ibraahim uu is difaacay ka hor inta uusan dhiman.Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in dilka ninkan ay ka danbeeyaan muqaabaraadka Mareykanka iyaga oo adeegsaday lacago iyo balan qaad ay u sameeyeen raga ka danbeeyey dilkiisamhalka warar kale ay tibaaxayaan in dilkiisa uu salka ku ahaa muran kala dhaxeeyey saraakiil kale oo ka tirsan Al Shabaab gaar ahaan kuwa Ajnabiga ah.

Amaar Ibrahiim ayaa ah muwaadin u dhashay dalka Jordan wuxuu magaciisa caan noqday marki dagaalada ay ka bilowden dalka sanadi 2007,wuxuuna dhawaan loo magacaabay madaxa Al Qacida ee Somalia isaga oo bedelay Salax Nabhaan oo ay Mareykanku sanadki hore ku dileen magaalada Barawe.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg