Main News


Askari lasheegay in TFG uu ahaa oo shabaab inuu kusoo biiray sheegtay.


Ururka Alshabaab ayaa bilaabay iminka dagaal siyaasadeed iyaga oo adeegsadanaya idaacadda Shabelle oo hadeer dhageyste beeshay si ay ciidamada dowladda u kala fur furaan.

Waxa ay maanta shabaabka saxaafadda u soo bandhigeen hal nin oo ay sheegeen in uu kamid ahaa saraakiisha ciidamada dowladda kana soo goostay dowladda oo kusoo biiray Alshabaab.

Waxaa ka hadlay Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere, isaga oo sheegay in sarkaalkani iyo kuwa kale oo kamid ah ciidankii Jabuuti lagu soo tababaray ay u soo socdaan dhankooda ayna aad u soo dhaweynayaan.

Arrintani ayaa waxaa si aad ah u buun buuniyay Idaacadda shabelle oo mar waliba sidaasi u buun buuniya iyaga oo markii cinwaannada warkooda ay ku sheegayaan ka dhiga SARAAKIIL KASOO GOOSTAY DOWLADDA OO ALSHABAAB KUSOO BIIRAY markii faah faahinta loo galana uu noqdo hal qof oo iyagu laftirkooda aysan hubin in uu shaqsigaasi ciidamada dowladda kamid ahaa.

Borobogaanka ay adeegsadan Alshabaab ayaa iminka waxa ay si dar dar ah u marsiiyaan Idaacadaha kala ah Shabelle iyo Alfurqaan kuwaasi oo aanan la ogeyn muhiimadda ay u leedahay in xilligani ay mucaarad ku noqdaan dowladda iyaga oo sheeganaya hey’ado warbaahineed oo madax banaan.

Waxaa xusuusin mudan in Shabelle horey looga dilay dhowr mas’uul oo uu ugu dambeeyay Mukhtaar Hiraabe, waxaana cadeeyay in dilkiisa ay alshabaab ka dambeeyeen Axmed Taajir oo isagu dhaawac noqday markii dalka dibaddiisa uu aadayna uu sheegay in isaga ay soo waceen Alshabaab oo ay ugu hanjabeen in isbitalka ay ugu dhex galayaan oo ay ku dhex qaarijin doonaan taasi oo keentay in Hargeysa/kampala uu u sii cararo.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg