Main News


Taangiyada Amisom oo Galabta dagaalka W/Muqdisho si toos ugu biiray.


Dagaal aad u xoogan ayaa markale waxa uu galabta ka bilowday waqooyiga Magaalada Muqdisho kaasi oo Ciidamada Amisom ay si weyn uga qeyb qaateen.

Waxa ay kasoo baxeen ciidamadani oo taangiyadooda wata dekedda Muqdisho, waxaana ay galeen gaadiidka Booliska halkaasi oo ay ka weerar galayaan kadibmarkii kooxaha mucaaradka ay halkaasi isku dayeenin ay soo dhaafaan.

Durba markii halkaasi ay gaareen Amisom, waxaa ay bilaabeen adeegsiga taangiyadooda iyaga oo taangiyadooda iminka u adeegsanaya Ururka Alshabaab iyo xisbul Islam oo waqooyiga Muqdisho dagaalka kasocda maanta iska kaashanaya.

Jugta ayaa waxaa si aad ah looga maqlayaa qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho waxaana ciidamada Amisom soo gelitaankooda aanan la ogeyn inuu yimid amar lagu siiyay in ay galaan iyo in ay difaac un u galeen.

Waxa uu kusoo beegmayaa xilli maanta uu warbaahinta ka sheegay Afhayeenka Alshabaab Cali dheere in ay la wareegi doonaan degmada Xamar weyne iyo agagaarka madaxtooyada taasi oo lafilayo in Amisom ay ka careysiisay oo ku kaliftay in ay ka jawaabto isla markaasina difaacdo dowladda Soomaaliya oo ah waxa Soomaaliya oo idil loo keenay.

Dagaalka ayaa markii ay ku biireen Amisom waxaa uu noqday mid alshabaab dib u gurasho xoog leh ay sameeyeen, waxaana si aad ah uu u gaabsaday iminka dagaalkii cuslaa ee galabta bilowday, waxaase la filayaa in dhinac waliba ama xilli waliba waqooyiga Muqdisho dagaal uu dib uga qarxo laakiin kooxaha mucaaradka ayaa ah kuwa ka carara Amisom marka ay dagaallada kusoo biiraan.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg