Main News


Heshiis hordhac ah oo Ahlu Sunna iyo Dowladda ay ku gaareen Addis Ababa.


Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa heshiis hordhac ah waxa ay kula gaareen Ururka Ahlu Sunna Magaalada Addis Ababa halkaasi oo uu ka dhacay heshiis lagu kala saxiixday.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Siciid Yuusuf Nuur ayaa sheegay in gelinkii dambe ee shalay heshiiska saxiixiisa uu dhacay kadib munaasabad ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socda Midowga Afriga, QM  iyo Beesha Caalmka.

Heshiiska ayuu sheegay Safiirka uu ka kooban yahay 5 qeyb oo mid kasta uu  qodobo leeyahay, waxaana loo xil saaray guddiyo labada dhinac ka kooban oo la rabo in ay daba galaan si loo fuliyo qodobadaan.

Waxaa kamid ah heshiiskaasi la saxiixay inta aanu warka ku helnay qodobadani ay kamid yihiin :-

In wasiiro ka socda ASWJ lagu daro Dowlada Soomaaliya.

In heshiiska dhex maray dowladda iyo ASWJ uu ka mid noqdo charter-ka dalka u yaala.

In la mideeyo Dowladda Soomaaliya iyo ASWJ Ciidamadooda, Siyaasadooda, Gobololadooda, ayna hoos yimaadaan Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Heshiiskani ay gaareen labada dhinac ayaa lasoo sheegayaa in dowladda federaalka ay ku dooneyso awoodeeda in ay ku ballaariso isla markaasina ay uga faa’ideysato dhagaalka ka dhaxeeya Ahlu Sunna iyo Kooxda Alshabaab.

Heshiiskaan waxaa dowladda KMG ah u saxiixay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda Shariif xassan Sh Aadan, Dhinaca Ahlu Sunna waxaa u saxiixay gudoomiyaha Golaha Fulinta ee ASWJ  Maxamed Daahir Xeefoow.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg