Main News
Alshabaab oo maanta qab qabanaya gaadiidka aan muraayadaha laga siibin.
Maleeshiyaadka Ururka Alshabaab ayaa sakay deegaannada ay maamulaan waxa ay ka bilaabeen in ay xir xiraan darowallada gaadiidka aanu muraayadahooda laga bixin.
Waddooyin badan ayaa saakay lagu arkayaa iyada oo aanu wax gaari ah socon kadib markii dhowr gaari ay ururka Alshabaab ku qabteen Baar Ubax, Bakaaro iyo deegaannada ay gacanta kuhayaan.
Maleeshiyaadkani ayaa gaadiidkii ay arkaan isaga oo muraayadaha dambe aanu ka baxsaneyn waxa ay ku amrayeen in rakaabka ay ka dagaan isla markaasina gaariga la xareeyo daworalkana sidaasi lagu xiro.
Horey ayaa waxa ay u soo saareen amar ku aadanaa in gaadiidka dadweynaha laga saaro qeybta dambe muraayadaha kadib markii cabasho ay uga timid alshabaab oo horey u amray in haweenka ay gadaal fadhiistaan haween dhowr ah oo ka cabanayay in gadaal uu kuleel daran ka jiro.
Gaadiidyarida saakay laga dareemayo muqdisho ayaa waxa aanan la ogeyn inta uu sii socon doono isla markaasina lama garanayo gaadiidleyda in gawaridooda muraayadaha ay ka saari doonaan ama in ay sidiisa kusii wadi doonaan.
Rss somali
Rss English