Main News
Kulan la isku waafajinayo Hey’adaha Garsoorka iyo Amniga oo Muqdisho ka dhacay.
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kullan ballaaran oo ay yeesheen hey’adaha garsoorka iyo sidoo kale kuwa Amniga taasi oo looga shirayay sidii la isku waafajin lahaa wada shaqeynta labadaasi hey’adood.
Kulankani ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Maxkamadda Gobolka ee Degmada Xamar weyne, waxaana kasoo qeybgalay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka C/raxmaan Janaqow, Prof.Ibbi, Sheekh C/qaadir Cali Cumar, Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, Gudoonka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa ugu horeyntii halkaasi ka hadlay wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka dowladda KMG ee Soomaaliya C/raxmaan Maxamuud Faarax (Janaqow) isagoo ka warbixiyay waxqabadkii mudada sanadka ah ee wasaaradiisa.
Waxaa uu sheegay Wasiirku in ay diyaariyeen ilaa 5 goobood ama shan hool oo uu sheegay in lagu qaadi doono Maxkamadeynta dadka gala dambiyada kala duwan waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay diyaar yihiin garsooreyaashii qaadi lahaa Maxkamadeynta dadkaasi.
Waxa uu sidoo kale sheegay Janaqow in waxa ay wax ku xukminayaan uu yahay Shareecada Islaamka taasina ay muujineyso dowladdani sida ay Islaamiga u tahay.
Rss somali
Rss English