Main News


Maamulka Kmg G/Banaadir oo Hey'adaha ugu baaqay inay gar gaar gaarsiiyaan dadka


Maamulka Kmg ah ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ugu baaqay Hey'adaha samafalka ah e ek u sugan magaalada Muqdisho in ay la gaaraan gargaar dadka ku waxyeeloobay roobabkii ka da'ay shalay magaalada Muqdisho.


Sii hayaha Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo la hadlay saxaafada ayaa ka codsaday Hey'adaha Gargaarka, Ganacsatada, Jaaliyadaha Dibada iyo intii wax awooda in ay usoo gurmadaan dadka ku nool xeryaha barakaca ee magaalada Muqdisho iyo duleedkeedaba si loo gargaaro, kuwaasoo shalay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay Roobab Mahiigaan ah oo ka da'ay Magaalada iyo hareeraheeda


Dhagaxtuur ayaa xaqiijiyey in ay dhibaato xoog leh soo gaartay dadka ku nool qeybo kala duwan oo magaalada Muqdisho ah kuwaas oo uu dhimasho yio dhaawac kasoo gaaray roobab is daba joog ahaa oo ka da'ay magaalada Muqdisho shalay, xalay iyo habeen hore.


Waxaa uu si weyn u amaanay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Dibada ah kuwaas oo uu ku sifeeyey in ay ka damqadaan dhibaatada walaalahood Soomaaliyeed ku heyso gudaha dalka.


Hadalkan ayaa waxaa uu kusoo beegmay maalin kadib markii uu ku eedeeyey Dhagaxtuure Hey'adaha samafalka ee xarumaha ku leh magaalada Muqdisho in aysan kaalmooyin siinin dadka dan yarta ah.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg