Main News
Muwaadiniin Soomaliyed oo lagu laayay Dalka K/Afrika, xilli goobtooda ganacsiga
Seddex wiil oo somali ah ayaa geeriyootay seddex kalane waa la dhaawacay kadib markii kooxo hubaysan oo burcad ah una dhashay dalka south african ay weerar kusoo qaadeen goobo kala duwan oo dukaamo ku laahaayeen somaalidaasi oo ku yaala tuulooyinka wadanka south africa.
Weerarkii ugu horeeyay ayaa waxaa lagu qaaday laba dukaan oo ku yaalay tuulo lagu magacabo Matasana oo ilaa 25km u jirta magaalada East london ee wadanka koofur africa. weerarkaan ayaa waxaa ku geeriyooday laba ruux oo lagu kala
Magacaabo Maxamed Xuseen Cabdulle iyo Axmed Cali Khayre halka weerarkani ay ku dhaawacmeen Xasan Daahir Sahal iyo Cabdullaahi Geele. labada wiil ee dhaawacantay ayaa mid ka mid ah dhaawaciisu yahay halis kuwaas oo loola cararay isbitaalka magaalada east london ee dalka south africa si halkaasi loogu baxnaaniyo.
Sidoo kale weerarka labaad waxa uu ka dhacay tuulada lagu magacaabo Plaskop oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalda Restenburg ee gobalka north west ee wadanka koofur africa.waxaana weerarka kooxaha hubaysan ay ku qaadeen dukaan ay soomali ku lahaayeen tuulldaasi waxaan halkaas lagu dilay Cali Maxamed Cali halka uu dhaawacana ka soo gaaray Cabdulaahi Axmed Yuusuf.
Dhamaan dukaamadasi lagu dilay soomalida ayaa laga dhacay wixii lacag ah oo yaalay inkastoo milkiilayaasha dukaamada ku leh tuulada matasaan aya waxay go, aan ku gaareen in ay sameenayaan shaqo joojin mudo aysan cayimin milkkiilayaashaasi
Arintani ayaa waxaa walaac ka muujiyay soomalida ku dhaqan wadankan south africa gaar ahaan kuwa dukaamada ku leh tuulooyinka ayagoo sheegay in ay tahay waxa iminka dhacayo xad ka bax aysan jirin cid u maqan ama xaquuqdooda u dooda
Dhanka kale Booliska amaanka ee dalka koofur africa ayaa soo kala gaaray goobahaasi ayagoo dabagalay burcadii balse nasiib daro ay haleeli waayeen waxayna wacad ku mareen in ay soo qaban doonaan isla markaana ay cadaalada hor keeni doonaan sidoo kale waxay sheegeen in ay ka xun yihiin falalkaan wuxuushnimada ah oo lagula kacaayo ganacsatada soomalia oo aanan waxba galabsan.
Si kastaba ha ahaatee falalkani isku mar dhacaya o lagu beegsanaayo soomalida ayaa ah markii labaad oo mudo bil gudaheed lagu ugaarsado ganacasada soomalida oo quud ka raadsata meelaha tuulooyinka ayagoo aysan awoodin in ay ku noolaada faras magaalooyinka.
Cabdiraxmaan Nuur jilley
Eastlondon South Africa
jilley3@hotmail.com 277830007873
Rss English