Main News
Iiraan iyo Faransiiska oo u hanjabay Kooxaha Burcad badeedka ee heysta Maraakibta
Dowladaha Iiraan iyo Faransiiska ayaa ku dhawaaqay inay xoog ku soo furan doonaan Maraakiib looga heysto Biyaha Soomaaliya, kuwaasoo gacanta ay ugu jiraan Kooxo Burcad badeed Soomaali ah oo dhowaan Xeebaha Gacanka cadmeed ka afduubtay.
Markab laga leeyahay Dowladda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa maalmo ka hor waxaa afduubtay Kooxo Burcad badeedka ah, kuwaasoo la abaaray dhinaca Deegaanka EYL oo ka tirsan Deegaanada Puntland, halkaasoo dhowr Maraakiib afduub loogu heysto.
Wararka ayaa sheegaya in Markabkan uu ku sii jeeday Dalka Eritrea, waxaana la tilmaamay inuu u siday Dowladda Eritrea Saanad Milateri sida ay sheegayaan warar soo baxaya.
Sidoo kale Dooni dalxiisayaal Faransiis ay saarnaayeen ayaa iyana lagu afduubtay xeebaha Gacanka cadmeed, waxaana kooxaha afduubtay ay ula aadeen dhinaca Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Dowladda Faransiiska ayaa sheegay in ay xoog ku soo furan doonaan Doonta dalxiiska ah, iyagoona sheegay ay Burcad badeedka ay tallaabo la mid ah tii ay horay ugu qaadeen ay marsiin doonaan.
Muddo haatan laga joogo dhowr Bilood ayaa Markab kuwa dagaalka ah oo Faransiiska leeyahay ayaa weerar xoogan uu ku qaaday Kooxo Burcad badeed ah, xilligaasoo madax furasho ay ku sii daayeen Markab Faransiis ah oo u afduubtaa, waxaana burcad badeedka la gaarsiiyay jab xoogan, ilaa gacanta looga dhigo tiro dad ah oo haatan ku xiran xabsi ku yaal Dalka Faransiiska.
Rss English