Main News


Xaalada Magaalada Muqdisho oo caawa degan


Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa caawa degan, inkastoo degenaashaha Caasimada ee 24-kii saac ee la soo dhaafay la dhihi karo mid aan caga badan ku taagneyn, waayo waxaa suura gal ah in daqiiqad kasta uu dagaal dhex mara Dhinacyada isaga soo horjeeda Siyaasada Soomaaliya.


Habeenkii Labaad ayay degan tahay Magaalada Muqdisho kadib saddexdii maalmood oo dagaaladu ay xiriir ahaayeen, waxaana dadka qaar degenaanshaha Magaalada ku sababeynayaan mid ka dambeysay Roobabka Mahiigaanka ee shalay ilaa xalay Magaalada ka da'ayay, kaasi oo dhaliyay waxyeelooyin kala duwan.


Dadka Muqdisho oo maalintii shanaad u galay Bisha Ramadaan ayaa hadal haya dagaalada cusub ee ay ku dhawaaqeen Kooxaha Islaamiyiinta, kaasi oo lagu soo beegay bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana Afhayeenada Islaamiyiinta ay ku dhawaaqeen inay xoojin doonaan Dagaalada inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana saddexdii maalmood ee Bisha Ramadaan ay aheyd mid Magaalada ay dagaalo xoogan ay ka dhacayeen.


Inta badan Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayay degenaansho ka jirtaa, lamana soo sheegin wax dagaalo ah oo halkaas ka dhaca, laakiin wararka laga helayo Xaafadaha qaar ayaa sheegaya in Roobabkii ka da'ayay Magaalada ay saameyn ku yeesheen inta badan wadooyinkii Caasimada, kuwaasoo ay bur bureen, halka qaarkoodna ay biyo dhigeen.


Mid ka mid ah Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in degenaanshaha habeenkii labaad ee ka jirta Magaalada Muqdisho aanu aheyn mid la isku haleyn karo, bacdamaa waqti kasta ay suura gal tahay in ay is wajahaan Kooxaha Kacdoonada wada iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Shisheeye ee is garabsanaya.

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg