Main News


Xoogaga Alshabaab oo galabta la wareegay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/Hoose


Xoogaga Islaamiga ee Alshabaab ayaa gabali dhicii maanta waxay la wareegeen Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo Maamulkii halkaas ku sugnaa uu isaga cararay.


Dagaalyahanada Alshabaab oo dhowr jiho kaga soo galay Degmada Wanlaweyn, ayaa durba abaaray Saldhiga Booliska iyo Xarunta Maamulka, waxaana gelitaankooda Degmadaas ku daadan wax dhiig ah ama iska hor imaad sida ay sheegayaan wararka halkaasi aanu ka heleyno.


Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Degmada ayaa la sheegay in Xoogaga Islaamiyiintu kala eryeen, iyagoona aan wax dagaal ah la galan, waxaana wararku sheegayaan in meel fagaare ah goor dhoweyd dadka deegaanka kula hadleen Mas'uuliyiinta horkaceysay Dagaalyahanada la wareegtay Degmada Wanlaweyn.


Xoogaga Alshabaab oo lagu tiriyo dhaq dhaqaaqyada Milateri kuwa ugu awooda badan ayaa ah kuwo kacdoon ballaaran kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo saaxibadood ee Ethiopia.


Ma ahan markii u horeysay ee Alshabaab gacanta ku dhigto Degmo ama magaalo ka tirsan Gobolada Dalka, waxaana Goobaha ay gacanta ku dhigaan lagu yaqaan in saacado kadiba ama muddo kadib ay isaga baxaan, iyagoo markaa ugala jeeda inay kala jebiyaan Maamulada Dowladda ee ay u magacowdo Deegaanada Gobolada Dalka

Rss somali
Rss English


Latest news

RSS FEED

 

Featured

Subscribe to Mareeg