Main News
MAQAAL U JAWABAYA JAALIYA UK EE KA HADASHAY XADHIGA MAXED DHEERE
MAXAMED DHEER XADHIGIISU MUDULOOD MAW XALBA MISE WAA MURUGO?
Waxaan ku bilaabayaa hadalkayga magaca ilaahay alle kor ahaaye
Hadaan usoo noqdo ujeedada iyo dulucda ciwaanka aan halkan ku qoray
Waxaan ka aqriyay website ama shabakada caankaee SHAACIYE ah ee warbaahinta
Xorta ah iyo afkaarta shacabka sida xaqiiqada usoo bandhigta maqaal
Sheegaya inay murugo tahay xadhiga maxed dheere gaar ahaan masuuliyin ka tirsan
Beesha mudulod, ay ku muu jiyeen dareenkooda iyada oo qoraalkana ay la socotay
Erayo amaana sida geesiga maxed dheere , halyeeyga maxed dheere, iyo muwaadinka
maxed dheere,
Waxaan dhab ahaan aan wada ogsoonahaay dareenka bulshada manta joogta mogadisho ay
ka qabto maxed dheere xadhigiisa weliba qaasatan beesha mudulood ee ka dhashay
Beesha mudulood oo ilaa qarniyaal ku can baxday beel nabada jecel , sinaanta ,
cadaalada,
Iyo iskaashiga soomaliyeed, waxa beesha ka dhashay muwaadiniin badan oo taariikdu
xusto halyeeyo badan oo gobonimo doona , sida xasan geedi abtoow, sheikh daa, uud
culusaw , faraax galooley imam cumar , ,oo ahaa imam aad u cadaalad badan sida aan
taariikhda ku hayo o weliba jeclaa inuu deegaankiisa iyo dadka la deriska ahba
Nabad ku noolaadaan u malayn mayo inay tahay wax qalin soo koobayo halyeeyada u
dhashay beesha , waxay ahaayeen gobonimo doonkii gumaysiga beesha ugu badan ee naf
iyo maalba u hortay inay dalkooda cadawga ka kiciyaan
waxay beesha ku jirey 13kii nine e SYL inay ahaayeen tirade ugu badan ee
soomaliyeed , waxaa lama ilaawaaana inay hogaanka ugu horeeyay ee cadaalad ku dhaqa
dadka soomaliyeed madaxweyne aadan cabdule cismaan , madaxweynihii sida cadaalada
ah uga degay kursiga.
waxaa kaloo beesha u kacay xiliyadii kacdoonka shacabka ee dawladii rajiimkii maxed
siyaad bare niman badan oo taariikh ku leh kacdoontii ururka USC oo qayb laxaadleh
ka qaadatay mana soo koobi karno waa niman taariikhda baal dahaba kaga jira. Waxay
u badan yihiin dad dhintay manta dadkan aan soo sheegay ,Ilaahay janatul firdawsa
haka waraabiye waxay ka mid ahaayeen hogaamiyeyaashii dhaqan siyaasad iyo diimeed
ee beesha,
Beesha mudulood oo ku canaa inaysan xaqdaro iyo dulmi isku raacin inay ku
dhibaateeyaan
Bulshoweynta soomaliyeed waxaa waqtiyadii danbe intii dalku burbursanaa u kacay
hogaamiyaayaal badan hadaban waxaa hogaamiyaayaasha ka mid ahaa
Maxamed cumar xabeeb maxamed dheere waxaa maxed dheere uu ka midyahay nimanka
Lagu eedeeyo soo dhawayntii dawlada fedetaalka ah iyo soo gelitaankii itoobiya
Dagaaladii ehliga ahaa ee abgaal dhexdiisa oo mudadii ak danbeesay 1996 ilaa 2006
Waxaa had iyo jeer maxed dheere lagu xusaa inuu nabad ka dhigay jowhar oo dadkii
degaan
Waagii uu ahaa gudoomiyaha shabeelada dhexe oo aan cidi u dooran balse uu isagu
intuu isu doortay hadana ka dhigay amaan iyo meel la jaanqaada gobolada nabada ah ee
dalka
Balse iyada oo uu wanaagaas sameeyay waxa jiray takrifalyo iyo tacadiyo ay hadana
kla tirsadaan beelaha la degaanaa meesahaas ee mudulood,
Aniga oo aan waxba kusii dheeraanayn faalada maxed cumar xabeeb maxed dheere
Waxaa maqaalkaygu ku saabsan yahay siyaasada mudulood ma waxay noqotay
Hebel waxaan nahay isku hayb haduu xun yahay waa adeerkay ama inaadeerkay
Mise waa tii lagu yaqaanay beesha oo ninkii wax qabad leh inay taageertaa muhiima
Hadiii xaajadu tahay in ninkasta taariikhdu xusayso waxaa uu qabtay maxed dheere
Waxaan u malaynayaa inaysan cidina ka inkirayn waxa uu dhimayna aan cidi ka baa,
bin karayn waayo waxaan uga jeedaa maxed dheere ciidamada uu manta u xidhanyahay
Yaa keenay waa kuwee xageese dalka ay kasoo galeen yaase sabab u ahaa qayb intee
le,eg ayuu kulahaa imaantinka iyo keenista ciidamada itoobiya taasi miyanay ka
dhignay
NIN ABEESO KORIYAW ADIGA U AAYI
Waxaa xidhay ciidankii uu dadka ku gumaadi jirey qaasatan abgaal cismaan ciidankii
uu ku burburiyay suuqbacaad , ramaadaan, lafweyn, fagax, tawfiiq, yaaqshiid, iyo
shirakdii nationka ee uu weerarka .ba.an ku dhigay xadhigii ganacsatada iyo golaha
dhaqanka mudulood
Ee xasuusta lahaa sida xaaji cabdi iiimaan , iyo digniintii uu siiyay cabdulaahi
sh-xassan hogaamiyihii ciidamada xornimo doonka beesha mudulood ee kasoo horjeeda
itoobiyaanka
Waxaa qabtay ciidankii uu hubkii mudulood gacanta u geliay
Waaana dabeecada gumaysiga in ninkii la shaqayn jiray ay dilaan marka ugu danbaysa
Maaha wax hada bilowday.
Waxaan sheegayaa taariikh kooban oo ku saabsan gudoomiyaha gobolka banaadir waxaa ahaa
Ninkii la odhan jiray cadde gaabaw waxaa xilka ka qaaday ra,iisal wasaaarihii ugu
horeeyay ee dawlada ku meelgaadhka ah maxed cali geedi waxa uu u dhiibay maxed
cumar xabeeb
Kadib markii ra,iisulwasaarihii ku xigay nuurcade uu xilka ka qaaday maxed dheere
Waxa auu dhahay xilka igama qaadi karo, waxaa la xasuustaa inay hadaldii
gudoomiyihii hore ee Caddde Gaaabaw ay ka mid ahayd xilka waxaan ku wareejiyay
walalkay maxed dheere waxaana waaye BARAKAAD KA QAAD BARKAAAD U DHIIB
Maxed dheere ma garan taas markii loo dhiibay walalkiis Gudoomiyaha hada xilka haya
Dhagaxtuur waxaa uuna sheegay inaan cid xilka ka qaadi kartaa jirin
Hadii ay dadka qaar dhibsadaan qoraalkayga ama maqaalkayga waxaan doonayaa
In nin mudulooda uu soo qoro ama ka sheekeeyo taariikhda maxed dheeere iyo wax
qabadkiisa nololeed , geesinimada lagu sheegay, muwaadinimada lagu sheegay
Hadii ay jirto
Waxaan kaloo ku soo afjarayaa maqaalkayga xadhiga maxed dheere maan jeclayn anigu
inuu cadaw xidho oo itoobiyaan uu gacanta u galo hadiise la xidho waxaan jeclaa in
dawlad uu ka mid ahaa ay xidhato,
Balse xadhiga maxed dheere mudulood maw xalba mise waa murugo?
Waxaan leeyaahy nin kasta waxa uu gaysto ayaa taariikhda xusaysaa
Maxed dheerena kama mutaysan mudulood inay taalo u dhisaan
Qofkana isku beel baan nahay laguma amaano ee idinka oo isku beela ayaa waxaa lagu
taageeraa dadnimadiisa waxqabadkiisa muwaaadinimadiisa iyo heerka uu ka taaganyahay
bulshada dhexdeeda
Anigu ma ihi nin maxed dheere cadawgiisa ah godob gaara uu iga gelayna ma jirto
Balse waxaana filaya inuu helay godobtiiiu u ka galay dalkiisa iyo dadkiisa , sida
eraygii ahaa itoobiyaanka waa walaalaheena
Waxaana daba qaadaynaa caanaha iyo biyaha , walaalaheena itoobiyaanka inaan la shaqayno
Ma rabtiin haa dhaha,
Waxay ku kaydsan yihiin websiteyada iyo dhamaan shabakadaha internetka iyo kuwa
dalka kasoo baxa idaacadaha telefishinada
Marka maxamed dheere hadii xadhigiisu murugo yahay iyo hadii kaleba waxaa ka
jawaabi doona qalinka aqoonyahanka mudulood iyo indheergaradka iyo dhamaan
bulshoweynta mudulood
Wabilaahi tawfiiq
W/Q Cabdiraxiin Hilowle (Galayr)
Abdirihiin1@hotmail.com Rss somali
Rss English