Aboutus

 

     
 
 

Maalintii shalay oo bisha Februaryna ahayd 11.02.2008 Waxaa Xaflad balaaran oo  aad iyo aad  Loo soo agaasimay lagu qabtay Holka shirarka ee Magaalada Brussels ee Belgium .Xafladaas oo lagu soo dhawaynaayay Wafdigii oo Hogaminayay   Ra’iisal WasaarahaXukuumada Federaalka Soomaliya

Mudane  Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Waxaa xafladaas ka soo qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka SoomaaliyaMudane  Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Wefdigiisa  oo ay ka mid ahaayeenWasiirka Arimaha Debadda Mudane Cali Axmed Jaamac (Jengali) iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Cali Xaamud. Waxaa asigana goob jook ka ahaa Xildhibaan  Dr Adan Maxamud (Feero) iyo HalgamaaMudane Maxamed Yusuf Adan (Muro)

Waxa kalo ka soo qayb galay Xafladaas Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku Nool Qaarada
Yurub
Waxaa Xirinayay Xafladaas Dr Cali Maxamed Xuseen (Cali Atom) Waxaa ugu horeentii
lagu furay Ayadaha Quraanka kariimka  ah uu halkas ka akhriyay Mudane Cali Axmed
Jabaye marka ka dib waxaa warbahiyaha lagu soo dhaweeyay Mudane Axmed Saleebaan
Cabdale (Dafle) oo ku hadlayay Magaca Jaaliyadda Soomaaaliyeed ee Dalka Belguim.
Mudane Dafle wuxuu halkaas ka soo jeediyay Khudbad aad iyo aad u qiiro gelisay ka
soo qaybgalayasha.
 
Marka ka dib waxaa warbahiyaha lagu soo dhaweeyay Xaaji Cabdiraxmaan Odawaa  si uu u
gudoonsiiyo R’iisal Wasaaraha iyo Wefdigiisa  Bayaan ka koobnaa Taageero,Talobixin
iyo  Tusaale oo ay soo diyaariyeen Jaaliyadaha Dibadda
 
Waxaa markaa ka dib lagu soo dhaweeyay warbahiyaha Wasiirka Arimaha Dibada Mudane
Cali Axmed Jaamac ( Jengeli) si oo ugu soo dhaweeyo warbahiyaha Ra’iisal Wasaaraha
Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
 
Ra’iisal Wasaaraha ugu horeentii wuxu u hambalyeeyay Jaaliyadaha Dibadda oo  ka soo
qaybgalay shirka wuxuuna uga mahadceliyay ka soo qaygalkoda marka ka dib wuxuu
siiyay warbixin guud halka arrimaha dalka ay marayaan iyo waxyabihii u qabsomay
mudadii gaabneed oo ay hawsha bilabeen.
R’iisal Wasaaraha wuxuu kula dardarmay Jaaliyadaha Debadda in ay ka qaybgalaan sidii


loo hormarin lahaa nabadeenta Dalka .
 Intaa ka dib Xafladii waxaa lagu soo gabagabeeyay jawi is afgarad leh
 
Birmingham Somali Diaspora Forum
 
 

 

 

Cabdi Casiis Golf   Xafiiska Wararka Mareeg ee Moqdisho 

Somalia           Tel 0025215561017

 Qaahira   Egypt    Tell. 0020161734087      

   

London UK   Tell 00447737886245   

 


      

 

 
News in English
Mobile Best deals no Credit check
 
 

Wixii su'aal ah nagala soo xiriir info@mareeg.com  or News@mareeg.com

 
    ©2001-2007 Mareeg.com  ®All rights reserved.       Designed by mareeg.org Nedstat Basic - Free web site statistics