Soomaaliya Oo Bilowday Soo Nooleynta Ciidamadii Komaandoosta (Sawirro)

  • Soomaaliya Oo Bilowday Soo Nooleynta Ciidamadii Komaandoosta (Sawirro)

Muqdisho – Mareeg.com: Dufcadii ugu horreysay ciidamo Kumandoos ah oo ay dib u yeelato Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo xiray xerada Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tababarka usoo xiray ciidamadan oo loo diyaarinayo Kumaandooska cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo muddo 6 bilood ah tababar ku qaadanayay gudaha dalka.

Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay wehliyeen Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Sareeyo Guuto Daahir Aaden Cilmi, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo Wakiillo ka socday Dowladda Mareykanka ayaa maantqa ka qeybgalay munaasbad lagu soo xirayay qeybtii 1-aad ee tababar Xerada Jaziira lagu siinayay cutubyo ka tirsan Ciidamada Kumaansdooska cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo muddo lix bilood ah qaadanayay tababar ay siinayeen saraakiil Soomaliyeed iyo kuwo ajnabi ah.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomalaiyeed Sareeyo Guuto Daahir Aaden Cilmi ayaa sheegay in Askartaan loo diyaarinayo Kumaandooska laga keenayay qaar kamid ah gobollada dalka, islamarkaana ay rajeynayaan inay abuuraan awooddii lagu yaqiinay Kumaandooska Soomaaliya, waxa uuna taliyuhu uga mahadceliyay dowladda Mareykanka oo gacan ka geysatay hirgelinta tababarkan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in dib loo soo nooleeyo kumaandooskii Soomaliya ee ku caanka ahaa Danab, isagoo ballanqaaday in la dajin doono xeradii Beladoogle ee loogu talagalay Kumaandooska loona dhammeystiri doono dhammaan qalabkii ciidan iyo xuquuqdii ay ku lahaayeen Dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha hogaaminaysa cutubkan ka tirsan Kumaandooska Xoogga dalka ayaa Wasiirka gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga hortooda kusoo bandhigay istaraatiijiyadda ay kula dagaalamayaan kooxaha ka horjeeda dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa Mareykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa dedaal xoog leh ugu jirta sidoo loo soo nooleyn lahaa ciidamadii kala duwanaa ee Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii xerada Jazeera tabar loogu xiray ciidamo loogu magic daray Cali Boobaaye 2, kuwaasoo loo diyaarinayo iney la dagaallamaan kooxaha jid gooyooyinka dhigta.

Mareeg.com

Be an insider! Follow
Go Back on top
Warning: call_user_func_array() expects parameter 1 to be a valid callback, function 'Go Back Top' not found or invalid function name in /home/mareegco/public_html/wp-includes/plugin.php on line 505