Madaxweynaha Xasan Oo Xalay La Shiray Beesha Xasan Daahir Maxaa La Isla Gartay


Muqdisho, July 03, 2013, (Mareeg.com): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa xalay la kulmay odayaal, siyaasiyiin iyo waxgarad ka socday beesha Habargidir, isagoo kala hadlay arrinta Xasan Daahir oo u xiran dowlada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyblay kulnakaas ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ku qanciyey waxgaradka in wixii loo geystay waxgaradkii Xasan Daahir ka keenay Cadaado ee ciidmamadu ku dhaqaaqeen uu mas’uuliyadeeda uu qaadanayo. 

 

Xasan Cilmi Yaxye oo ka mid ahaa odayaashii kulnkaas ka qeybgalay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan u sheegay in arrinta Xasan Daahir muddo kooban lagu soo gebagebeynayo.

 

“Madaxweynuhu wuxuu na yiri 5 nin oo guddi ah oo arrinta Xasan Daahir igala shaqeysa haley siiyo, argtana sida aan u shaqeyneyno, usbuuc gudihiisna waxaan rabnaa dalka inoo ka dhoofo, oo la geyn doono dalal codsaday iney megenhelyo siiyaan” ayuu yiri nabadoon ka mid ahaa ragii xalay la shiray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud.

 

Nabadoonkaan ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay odayaasha Habargidir in Xasan Daahir aysan dowladda Soomaaliya kusii deyn karin magaalada, ayna amaankiisa gacanta ku heynayaan oo eheladiisuna u imaan karaan.    

 

Nabadoonkaan ayaa sheegay in 3 dowladood doonayaan inen magengeliyo siyaasadeed siyaan, kuwaasoo kala ah: Turkiga, Norway iyo Qadar.

 

Nabadoonkan ayaa sidoo kale sheegay in kadib kulan qaatay 7 saacadood, ayna ka qeybgaleen 30 xubnood oo ku beel ah Xasan Daahir, 12 ka mid ah odayaashaas xalay booqasho ugu tageen Xasan Daahir Aweys, islamarkaana maanta loo geyndoono ehelediisa si ay usoo arkaan.

 

Wuxuu sheegay oadyaagni in Dhaqtar Cubeyd Daahir Aweys oo la dhashay Sheekh Xasan Daahir Aweys loo xilsaaray inuu la socdo caafimaadkiisa, wuxuuna xusay in iminka uu caafimaad qabo.

 

Dhamaadkii bishii June ayaa Xasan Daahir oo kasoo baxsaday Alshabaab, isuna dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb waxaa markii dambe wadahadal lagu keenay magaalada Muqdisho, iyadoo markii Muqdisho la yimidna la isku maandhaafay halka la geynayo, taasoo keentay in odayaashii ku beesha ahaa iyo ciidamada nabad sugiddu gacmaha isla galaan, sidaasna Xasan Daahir lagu xiray.

 

Mareeg.com



Sponsored
HomeAf-Somali Africa Europe Islam Asia Middle  East Editorial World news EntertainmentsContact Us
Home